Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Sheegay in Madaxweynihii hore Daahir Rayaale wado Qorshe uu ku Burburinayo UDUB

Hargeysa (Berberanews)- Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland, ayaa ku eedeeyey Guddoomiyaha xisbiga UDUB, ahna Madaxweynihii hore ee dalka Md. Daahir Rayaale Kaahin inuu wado qorshe uu ku burburinayo xisbiga UDUB.

Suldaan Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay huteelka Fish and Steack ee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in tallaabada uu qaaday Guddoomiyaha UDUB ee ku adeegsaday warqada uu emaylka ugu soo diray ku-xigeenkiisa ay muujinayso talo uu khilaaf kaga dhex abuurayo xisbiga.

“Guddoomiyaha UDUB sidii xilka dalka u tiriyey mar keliya ayuu soo noqday, waxaannu igmaday oo ku-sime guddoomiye ku-xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin, kadib waxa dhacday markii xisbiga UDUB isu yimi ee Ku-simaha guddoomiyuhu qabtay shirkii gudida fulinta go’aamadii ka soo baxay waxay noqdeen ninkii murrashax madaxweyne doonayaa inuu lacag kayd ah oo $300,000 kun oo dollar ah keeno, arrintaasna soo jeedinteeda waxa iska lahaa sida la sheegayo Cali Maxamed Warancadde. Dabcan xisbigu wuxuu leeyahay shuruuc iyo xeerar uu isku maamulo oo wax waliba ku qeexan yahay oo ay ku cadyihiin. Markaa anigu waxaan leeyahay dhibaatada iyo khilaafka ka soo baxay xisbiga waxa ka muuqda in Daahir Rayaale burburin wado, waayo sababta la leeyahay email ayuu u soo diray Axmed Yuusuf Yaasiin emayka marka kombuyuutarkaagu furan yahay waad arki kartaa, laakiin markaad Kombuyuutarka xidho emayka wakhtiga aad furto laba ama saddex casho ka bacdi ayaad arki kartaa, markaa Daahir ma bakhaylnimo ayaa ku kalftay illeyn wuu haystay telefoono inuu la soo hadlo ayaa ka qurux badnayd, laakiin waxaan u arkaa in emaykaasi isku dhufasho xisbiga gudihiisa ah in talladeedu ahayd,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Suldaanku waxa uu waxa uu sheegay in Daahir Rayaale uu sabab u ahaa in Jamaal Cali Xuseen shaqadiisa ka yimaado oo uu iska sharraxo xisbiga, balse waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay sababta loo mucaariday, waxaannu yidhi, “Jamaal Cali Xuseen isagaa bixiyay wixii murashaxnimadiisa shuruud ah ee lagu xidhay markii hore ee Daahir Rayaale madaxweynaha ahaana isagaa u yeedhay Jamaal Cali Xuseen, markii madaxweynihii hore safarka ku tagay Kenya madaxdii iyo dadkii uu kula kulmay waxa u diyaariyay Jamaal Cali Xuseen, maalintaasi ayuu ku yidhi soogal xisbiga si aad hadhow murrashax uga noqoto. Markii uu ku guulaystay go’aankii Guddiga Fulinta raggii keenay shardiga ee uu ka mid yahay Cali Maxamed Warancadde ayaa haddana xisbigii uu ku kala jebinayaa. Waxaan leeyahay xisbiga UDUB waa mid umadeed ee maaha xisbi reer leeyahay.”

Waxa kale oo Suldaan Maxamed Sul. Cabdiqaadir su’aal geliyey sababta looga soo horjeestay Jamaal ee lagu oggolaaday Xoghayaha xisbiga ee hadda talada haya, waxaannu yidhi, “Waynu ogayn oo markii Xoghayihii hore ee xisbiga UDUB Maxamed Ismaaciil Bulaale uu dhintay waakii Jug-soo-dhacay oo reer Jabuuti ahi meesha la fadhiisiyey xeer ay hore u dhigteen oo UDUB ku tallaabsatay ayuu ahaa maxaa markaa looga hadliwaayey? Jamaal Cali Xuseena shuruudii lagu xidhay markuu ka soo baxay maaha in mucaaradad lagala horyimaado ee in lagu hambalyeeyo ayey ahayd.”

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com