Ciidammada Qaranka Somaliland oo gacanta ku dhigay Saldhig maleeshiyo beeleed iyo Hawlgal ay ku baadigoobayaan Gacan-ku-dhiiglayaasha Dilkii Seemaal oo ka socda dhulka Buuralayda

Gabiley (Berberanews)-Cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland oo wata baabuurta gaashaaman, ayaa subaxnimadii hore ee shalay ka bilaabay degaannada buuralayda ah ee u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki hawlgallo ballaadhan oo lagu baadi-goobayo gacan-ku-dhiiglayaasha geystay dilkii foosha xumaa ee dhowaan ka dhacay degaanka Seemaal.

Ciidammada qaranka oo wata baabuur tiro badan oo tikniko ah, ayaa hiirtii waaberi ee saaka gaadhay buuralayda degaanka Buqdhada oo u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki, halkaas oo la sheegay inay ku sugan yihiin koox dablay ah oo xukuumadda Somaliland shaaca ka qaaday inay ka dambeeyeen dilka saddex nin oo horraantii bishii December ee la soo dhaafay lagu laayey Seemaal.

Hawlgalka ciidanka qaranku ka bilaabeen buuralayda degaannada Buqdhada oo ka dambeeyey amar Wasiirka Daakhiligu ku bixiyey Arbacadii toddobaadkan in ciidammada millateriga iyo boolisku gacanta lagu soo dhigaan 13 gacan-ku-dhiigle, kuwaas oo 9 ka mid ah lagu sheegay inay ku dhuumanayaan dhulka buuralayda ah ee u dhexeeya degmooyinka Gabiley iyo Baki oo ka tirsan Gobolka Awdal.

Ma jiro wax war oo ilaa hadda ka soo baxay hawlgalkaas, balse sida ilo-wareedyo kala duwan Berberanews u xaqiijiyeen xalay, waxay ciidammada qaranku isla shalay isku wareejiyeen buuralayda degaanka Buqdhada oo sida la sheegay ay gabbood ka dhigteen dablayda la raadinayo, waxaanay ciidanku gooyeen dhammaan jidadka lugta ah ee gala aaggaas si gacan-ku-dhiiglayaasha halkaas ku dhuumanaya looga jaro sahayda iyo biyaha.

Hawlgalka ciidammada qaranku ka bilaabeen buuralayda dhinaca woqooyi/galbeed ka quman degmada Gabiley, ayaa la sheegay inuu sii socon doono tan iyo gacanta lagu dhigayo 13 gacan-ku-dhiigle oo loo haysto dilal is-xigay oo ka dhacay degaannada Seemaal iyo Buqdhada oo uu muddo dheer ka aloosnaa muran-beeleed dhinaca dhulka ah.

Geesta kale, wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helay xalay degaannadaas hawlgalku ka socdo, ayaa tibaaxay in ciidammada qaranku la wareegay shalay goob fadhiisin u ahayd malleeshiyo beeleed ka soo jeeda degaanka degmada Baki, kadib markii ay tacshiirad kooban isweydaarsadeen ciidanka qaranka ee hawlgallada ka bilaabay degaannada buuralayda ah ee u dhexeeya magaalooyinka Gabiley iyo Baki.

Sidoo kale, degaannada hawlgalladu ka socdaan oo lagu qiyaasay ilaa 80km, ayaa la sheegay in aanay wax isgaadhsiin ah ka shaqaynayn ilaa cawaysinkii xalay, iyadoon si loo ogayn sababaha keenay hakadka ku yimi adeegyadii isgaadhsiinta ee degaannadaas buuralayda ah.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo maalintii Arbacada hadal u jeediyey cuqaal ka soo jeeda gobolka Gabiley, ayaa ku hanjabay inay ciidan ahaan dhafoorka ka toogan doonaan qofkii lagu arko isagoo qori ama hub ku haysta degaannada lagu muransan yahay ee Ceel-berdaale, Caadda ilaa degmada Baki ee Gobolka Awdal, isla maarkaana millatarigu si joogto ah uga hawlgeli doono degaannadaas si loo ilaaliyo ammaanka iyo xasilloonida, isaga oo xusay in qofka lagu qabto isaga oo qori haysta loo aqoonsan doono inuu yahay gacan-ku-dhiiglayaasha dilkii foosha xumaa ee ka dhacay degaanka Seemaal.