Boorama-(Berberanews)- Dhul-gariir Xooggan ayaa maanta ku dhuftay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, kaasoo argagax iyo cabsi fara badan ku abuuray dadka ku dhaqan magaaladaas.
Dhul-gariirkan oo aan weli la sheegin heerka Cabbirkiisa, ayaa siday Weriyayaashu ku soo warramayaan ayaa mid xoog badan marka loo eego Dhul-gariirradii ugu dambeeyey ee magaaladaas ka dhacay sannadkii aynu ka soo gudubnay ee 2011.
“Argagax fra badan ba nagu dhacday derbiyada gurigu inay nagu soo daataan baaannu aad uga baqo-qabnay, waxaanu ahaa Dhulgariir ka weyn oo aan odhan karo kuwii hore u dhici jiray wuu ka weynaa..” sidaa waxa tidhi Haweenay ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Booramaha ee gobolka Awdal.
“Carruurta ayaa wada sastay, waannu wada naxnay, Dhul-gariir weyn oo cabsi badan nagu abuuray ayuu ahaa, laakiin Illaahay mahaddii xaafad ahaan annagu waxba kumaannaan noqon.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxiin oo Berberanews uga warramay sida ay u dareemeen dhul-gariirka Barqadii maanta ku dhuftay Boorama.
Illaa hadda inta la ogyahay ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay Dhul-gariirkaas, lamana sheegin weli heerka cabbirkiisa.
Magaalada Boorama iyo Nawaaxigeeda oo u badan Dhul Buuralay ah, ayaa ah meelaha dalka Somaliland Dhul-gariirku ugu badan yahay, iyada oo sannadkiiba dhawr jeer laga dareemo Dhul-gariir Cabbirkiisu kala duwan yahay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.