Guddoomiyaha Degmada Laasgeel oo faahfaahin ka bixiyay Hub Ciidammada Boolisku ku qabteen Duleedka Dacarbudhuq.

Dacarbudhuq-(Berberanews)- Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse Cabdi, ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyey hub todobaadkan gudihiisa Ciidammada Boolisku ku qabteen dulleedka Degmada Dacarbudhuq.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda Berberanews oo warkan hore u baahisay, ayaa sheegay inaanay jirin gaadiid hub kula kala wareegayay oo ciidammadu qabteen, balse uu jiro hubkaas oo ka kooban todoba xabbo oo qumacyada hoobiyaha ah uu nin aan aqoon u lahayn oo reer miyi ahi ka soo qaatay deegaanka Adhi caddays oo ka tirsan Degmada Laasgeel, ka dibna uu keenay mid ka mid ah beeraha magaalada Dacarbudhuq, halkaasoo ay ka war heleen ciidammada boolisku, gacanta ku dhigeen hubkaas.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel oo dhacdadaas faahfaafinayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan; “Waxaan doonayaa inaan idiin iftiimiyo hubka la sheegay in lagu qabtay Degmada Laasgeel ee aan guddoomiyaha ka ahay oo aad qorteen laba baabuur oo hub Somalia ka yimi kula kala wareegay meel u dhaw Taallada Cumar-ku-joog. Arrinta waxa laga dhigay gaadiid hub la kala wareegay, sidaana maaha ee waxay ahaayeen Nin ka mid ah dadka reer miyiga ah degmada Dacarbudhuq baa meel Adhi cadays la yidhaahdo oo ka mid ah goobo ay ku jiraan miinooyinkii iyo hubkii hadhaadiga dagaalladii kala duwanaa ee dalka ka dhacay ka soo qaatay saxaarad ay ku jiraan todoba xabbo oo ah gumaqyada hoobiyaha oo duugoobay.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inaanu ninka hubka sitay fahamsanayn waxa uu yahay, “Ninka hubka soo helay wuxuu u haystay wax laga iibsanayo oo muu fahamsanayn in waxani hub yahay, ka dibna intuu meel magaalada agteeda ah oo beer ah dhigay buu u yimi niman magaalada Dacarbudhuq jooga oo uu u sheegay inuu soo helay alaab oo uu soo tusay, ninamkaasina markii ay aqoonsadeen in alaabtani hub tahay ayay nagu soo wargeliyeen, halkaasoo ay alaabtii oo uu ninkaasi meel beer ah dhigay ugu tegeen ciidammada boolisku ay ka soo qaadeen, kuna wareejiyeen ciidammada bileyska qaybta miinada qaabilsan.”

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse Cabdi oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan; waxa ka jira warar sheegaya in qaar ka mid ah dadka Degmada Dacarbudhuq oo muddooyinkii u danbeeyay cabashooyin is-daba jooga ka muujinayay caafimaad darro ay sheegeen inay ku hayaan Wershadaha Hoodhinta hargaha ay hoobiyayaashan damacsanaayeen inay ku weeraraan wershadaas, ayaa waxa uu kaga jawaabay oo yidhi, “Haddii cabasho jirto waxa jira Hay’ado sharci iyo wasaaraddo ku shuqul leh wershadahan ka dhisan magaalada Dacarbudhuq, cidii ficil waxyeelo ku fekeraysana way qaldanyihiin, kamana yeeli doono.”

Berberanews.com
Email,info@berberanews.com