Hargeysa-(Berberanews)-Taliyaha loo xilsaaray dib u habaynta iyo abaabulka Maleeshiyaad hubaysan oo ku sugan Buuhoodle iyo nawaaxigeeda si loogu qarameeyo Ciidanka Qaranka Somaliland Maxamed Aadan Geelle (Curri), ayaa maanta ka warbixiyay halka ay hawlaha loo xilsaaray u marayaan.
Maxamed Aadan Geelle (Curri) oo hore u ahaa Taliyihii Maleeshiyaadka Buuhoodle ee ku qancay gogoshii Nabadeed ee uu Madaxweynaha Somaliland u fidiyay Beelaha Gobollada Bari oo u warramayay caawa Wakaallada wararka ee SOLNA, ayaa sheegay inuu ku guda jiro gudashada mas’uuliyadda loo xil-saaray, isla markaana uu diyaariyay Saddex boqol iyo Siddeed Askari oo lagu Qaramaynayo Ciidanka Qaranka.
Sarkaalkani waxa uu caddeeyay inuu Saldhigyo ka sameeyay Buuhoodle iyo Tuulooyinka ay ka midka yihiin Sool-Joogto, Maygaagle iyo Horu-fadhi, isla markaana uu xafiis Ciidan ka furay badhtamaha Buuhoodle.
Waxa dhawaan gaadhay magaalada Buuhoodle Mas’uuliyiinta Heer Gobol, degmo iyo Taliyaha qaybta Booliska, kuwaas oo dhammaantood Xukuumadda Somaliland u magacawday gobolkaas Buuhoodle.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.