Dawladda Kenya oo sheegtay inay Al-Shabaab cagta marinayaan toddobaadya soo socda

Nairobi-(Berberanews)- Ciidammada dalka Kenya ayaa sheegay in kooxda Islaamiyiinta sheegata ee dalka Soomaaliya, Al-Shabab ay burburayso maaddaama Ciidamada Kenya weerarka ay ku hayaan kooxda ee gudaha Soomaaliya si xoog leh loo dardargaliyay.

Afhayeenka Ciidammada Colonel Cyrus Oguna ayaa u sheegay Weriyayaal ku sugan magaalada Nairobi in kala qaybsanaanta hoggaanka Al-Shabaab macnaheedu yahay dhammaadka kooxda in aanu meel fog jirin.

Wuxuu sheegay weerar Cirka ah oo maalintii Jimcaha lagu qaaday in ay diyaaradaha Kenya ay ku dileen ugu yaraan lixdan dagaalyahaniinta Al-Shabaab ah, isla markaana illaa labaatan ka tirsan Maleeshiyada ay ka soo goosteen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Hase yeeshee, Weriyaha BBC ee Bariga Afrika ayaa sheegay in ay aad u adag tahay in wararkaas la caddeeyo.  Balse Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa dhineceeda sheegtay in ay ka guulaysan doonto Ciidammada Kenya.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.