Garsoorihii Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco Maxamed Cumar Cali
Burco-(Berberanews)- Garsoorihii Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco Maxamed Cumar Cali, oo ka mid ahaa Garsoorayaal bishii December 2011 horraanteedii Guddiga Cadaaladda Qaranka Somaliland Maxkamadaha qaarkood ka eryeen, ayaa ku cawday inuu ammaankiisu halis ku jiro, isla markaana sifihii lagu eryey aanu ahayn mid sharciga dalka u yaalla waafaqsan ee uu ahaa caddaalad-darro.
Garsoore Maxamed Cumar Cali oo caawa Shabakadda wararka Internet-ka ee Berberanews khadka taleefanka ugu warramay isaga oo jooga magaalada Burco oo uu deggan yahay, ayaa sheegay inaanu Gurigiisa u hoyanin, isla markaana carruurtiisa si joogto ah aanu u arag tan iyo intii shaqada laga eryey bishii December 2011, ka dib markii ay dad badan oo muddadii uu Maxkamadaha dalka joogay kiisas ka xukumay taleefankiisa gacanta u soo mariyeen hanjabaado. “Qodobka 26-aad Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay Garsooraha haddii la soo eedayo waa in loo yeedho, waxa lagu eedeeyey la weydiiyo oo uu is-difaaco, ka dib tallaabo laga qaado haddii kiiska lagu eedeeyey ku caddaado, haddaan dambi uu gacanta kula jiro lagu soo qaban, markaa aniga iyo Garsoorayaasha ay December Guddiga Caddaaladdu shaqada ka eriday wax sharci ah oo erigayaga loo maray ma jirin ee caddaalad-darro ayaa nalagu eryey. Markaa, aniga waxan cabashadan igu kallifay maalintii la I eryey ayaa Carruurtaydii iyo Xaaskaygii iigu dambaysay, Gurigayga ma seexdo, ammaankayga oo khatar ku jira awgii.” Sidaa ayuu yidhi Garsoore Maxamed Cumar.
Garsoorihii hore ee Maxkamadda Gobolka Togdheer, waxa uu sheegay inuu Maxkamadda gobolkaas ee magaalada Burco muddo toddoba sano ah uu si ku-meel-gaadh ah Garsoore-nimo ugaga hawlgalayey, muddo saddex iyo toban sano ahna uu Maxkamadaha kala duwan ee dalka oo ay ugu badnayn Maxkamadda gobolka Sool ka soo hawlgalayey. Waxaanu intaa ku daray inuu 8 sano isaga oo Garsoore Maxkamadeed ah ay burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya 1991-kii.
“28 Sano ayaan Garoose Buuxa ku shaqaynayey, 20 sano Maxkamadaha Somaliland baan ka hawlgalayey, 7-dii sano ee uu dambeeyey waxaan Garsoore si ku-meel-gaadh ah uga ahaa Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco, ka dib markii si ku-meel-gaadh ah la iiga soo beddalay Maxkamadda gobolka Sool oo aan muddo dheer joogay. Shan Guddoomiye Maxkamadeed ayaa Maxkamadaha Somaliland iigu yimi oo igaga tagay, Guddoomiye kaliyi waligay wax qalad ah iguma eedeeyn oo iyadoo warqadi Xafiiska ii taalla shaqada kamuu tagin, maantana wax kiis ah oo la igu eryey oo sharciga la waafajiyey ma jiro.” Sidaa ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali.
Waxaanu Garyaqaanka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Ma bannaana in Garsoore shaqadiisii haysta la eryo sabab la’aan. Qaynuunkii waa lagu xad-gudbay, waa lagu tuntay sharciyaddii dalka, Garsooruhuna mar walba waa eedaysane, xukun kasta oo uu fuliyo godob baa loogu qaadayaa si kasta oo uu caddaalad u yahay. Caddaalad-darradii laga qaylinayey Guddiga cadaaladda ayaa samaysay, Xeerka nidaamka Garsoorkana meel baa lagaga dhacay oo waa la jabiyey. Saddex cisho ka dib markii shaqada la iga eryey cabasho ayaan u qoray Guddiga Caddaaladda, jawaab la igama siin, qodobka 42-aad ee isla Xeerkaas Nidaamka Garsoorka ayaa cabashadayda ii bannaynaya. Markaa, waxaan leeyahay sharcigii halla laalo ama caddaalad dawladdu haku shaqayso.”
Garyaqaan Maxamed Cumar, waxa uu codsaday in tallaabada Guddiga Cadaaladda Qaranka Somaliland shaqada kaga eriday dib loo eego maaddaama oo aan wax kiis ah oo uu galay oo lagu eedeeyey jirin, waxaanu xusay haddii aan arrintiisa caddaaladda la waafajin inuu Somaliland ka guuri doono, isla markaana meel uu nabadgelyo ahaan ku bedbaadi karo tagi doono. Waxaanu isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi; “Nin shaqo loo doonayo in la igu beddalaa ma bannaana, Xattaa haddaan dembi leeyahay waa in la ii yeedho, oo aan ka jawaabo oo wax igu caddaadaan ama la igu waayo, markaa sharciga waa lagu gefay, qodobka lagu gefay ee aan lagu dhamaynini waxa uu ka dhigan yahay qodob sharci ahaan laga maarmay. Qofka muwaaddinka ah ee aan dembi gelin ee shaqadiisa si fiican u wata ee aan masuul xil haya ahayn in shaqadiisa laga eryo maaha oo qof kale oo shaqo loo doonayo lagu beddalo, iska daa kaase Xattaa Wiilkayga looma bannayn karo, muwaaddin kale looma bannayn karo aniga oo aan shaqada iyo sharciga midna ku gefin oo waajibaadkayga shaqo sidii uu ahaa u gudanaya inta meesha la iga saaro in mid kale la keenaa waa wax sharciga ka soo horjeeda. Waayo? Anigu shaqaale ayaan ahay ee ma ihi masuul la odhanayo xilku waa meerto. 20 sannadoodna waan ka soo shaqaynayey Garsoorka oo cid walba anigaa kaga xaq leh.”
“Gurigayga ma seexdo, Carruurtayda uma tago, maaddaama oo ammaankaygu sidaa halis ugu jiro oo kuwaan shan sano ka hor kiisaska ka xukumay iyo kuwaan xukumay ee aan kiisaskooda sidii Illaahay igu ogaa Caddaalad u qaaday ayaa maalin kasta iyo habeen kasta Taleefankayga gacanta iiga soo hanjabaya oo leh haddaannu ku dili weyno. Sidaa daraaddeed, waxaan codsanayaa in cabashadayda la eego, kiiska la igu eryeyna la eego oo la ii caddaalad sameeyo. Haddii kale dalka ma sii joogi karo ee waxay noqonaysaa inaan Xaddka Somaliland ka baxo oo meel aan ku noolaan karo tago. Immika Laascaanood iyo reerahayagii haddaan tagi lahaa waxaan ka cabsi qabaa in jidka la igu wax-yeelleeyo. Markaa, aniga iyo 22 Carruur ah oo aan ku dhalay Somaliland, 12 Burco ayey ila joogaan tobanka kalena Laascaanood illaa Hargeysa ayay joogaan iyo Hooyooyinkood waannu ka baxaynaa dalka, si aan u helo meel aan nabad ahaan ugu noolaan karno aniga iyo intaan ka masuulka ahay.” ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Cumar Cali oo Berberanews u warramay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.