Hargeysa(Berberanews)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta iyo Wecyigelinta, ayaa ku fashilantay inay Dhakhtar dibedeed geyso Eng. Cismaan Daahir Caabbi oo ah Injinneerkii tan iyo 1973-kii ka soo shaqaynayey Idaacadda Radio Hargeysa oo uu si kedis ah isaga oo shaqada ku jira Xanuunka Faaliggu ugu dhuftay toddobaadkii hore, ka dibna uu Dhiig Madaxa kaga furmay, isla markaana ay Dhakhaatiirtu ku taliyeen in si dhakhso ah loogu qaado Dhakhtar dibedeed.
Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ayaa ka Indho-qarsaday, isla markaana ka war-wareegaya inay Inginneer Cismaan Daahir Caabbi oo ay Dkaatiirta Somaliland ku taliyeen inaan dalka gudihiisa wax lagaga qaban karin, hase ahaatee, haddii si dhakhso ah loo qaado la xallin karo caafimaadkiisa, ka dib markii uu toddobaadkii hore xanuunku ku soo booday, waxaana la sheegay inaanay Madaxda Wasaaraddu illaa hadda wax qorshe ah oo ay u sameeyeen jirin.
Qorsha la’aanta Masuuliyiinta Wasaaradda ee Enginner Cismaan Daahir Caabbi, waxa ka damqaday Shaqaalaha Wasaaradda oo Madaxdooda ka dalbaday in Musharkooda bishii December ee sannadkii tagay ee 2011 oo aanay weli qaadan looga jaro qof kasta 10 Doollar, si ay wuxuun ugu kordhiso, maaddaama oo ay Madaxda Wasaaraddu illaa hadda ka war-wareegayaan wax u qabashada Cismaan Daahir. Balse arrintaasina weli waa qabyo oo wax ay Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Warfaafintu ka hirgeliyeen ma jirto.
Eng. Cismaan Daahir Caabbi, waxa uu shaqada Wasaaradda Warfaafinta bilaabay 1973-kii, waa Farsamo-yaqaan labada qaybood ee farsamo ee Wasaaradda ka hawlgala, qaybta War-laliska iyo qaybta Istuudyaha-ba. Eng. Cismaan waa Farsamo-yaqaanka duubay Suugaanta ugu badan Radio Hargeysa u kaydsan, sida Gabayada, Heesaha Jacaylka, Heesaha Waddaniga ah iyo wixii la mid ah.
Cismaan Daahir Macallinka wax baray dhammaan Shaqaalaha Farsamo-yaqaannada ka hawlgala Wasaradda Warfaafinta iyo kuwo hore uga hawlgeli jirayba. Cismaan waa Injinneer haddii uu Wasaaradda ka boxo way adag tahay in la buuxin karo kaalintiisa hormuud-nimo ee uu Wasaaradda Warfaafinta ee Idaacadda iyo TV-ga-ba ku leeyahay. Waxa lagu tilmaamaa Cismaan inuu yahay tiirka koowaad ee Wasaaradda Warfaafintu leedahay, waana ninka ugu muddada dheer shaqaalaha Warfaafinta. Waa shaqsiga kaliya ee wakhtigan ka wada hawlgalayey Farsmada Idaacadda iyo Telefeshinka Qaranka ee shayga cilladooba ee Idaacadda iyo TV-gaba si isku mid ah uga wada shaqaynayey. Shan habeen ka hor ayaa Cismaan Xanuunka uu hadda u jiifaa ku soo booday isaga oo ku guda-jira shaqadiisa uu ka hayey Wasaaradda Warfaafinta.
Sidaa daraaddeed, Eng. Cismaan Daahir Caabbi maaha, nin maanta lagu eego Xanuunka halista ah ee haleelay. Waana nin u qalma in laga badbaadiyo intii la awoodo Xanuunka ahaya ee muddada toddobaadka ku dhaw uu koomada ugu jiro, iyada oo maanta ay tahay maalintii Lixaad ee uu Xanuunkaa u jiifo. Injinneerka sidaa u qiimaha badan ee aynu taariikhdiisa kor kaga sheekaynay haddii aan si dhakhso ah wax loogu qaban waxay Ceeb ku tahay Xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, waxaanay niyad-jab ku tahay Shaqaalaha isaga ka dambeeya ee hadda Wasaaradda ka hawlgala.
Xigasho Wargeyska Ogaal.