Hargeysa-(Berberanews)- Heerka uu Somaliland ka marayo Cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS iyo tirada dalka ku nool ee uu hayo ayaa la soo bandhigay, isla markaana lagu tilmaamay inuu marba marka ka dambaysa xaddiga dadka qabaa ay kor u sii kacayaan.
Agaasimaha Guddida Xakamaynta AIDS-ka ee Qaranka Somaliland Maxamed Daahir Khayre oo maanta hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada, waxaanu sheegay in sannadkii 2004-2010, Xanuunka AIDS-ka dalka lagaga baadhay dad tiradoodu gaadhayo 11729 qof, waxaana cudurkan laga helay 2174 qof. Halka 2011 la baadhay dad tiradoodu tahay 6290, kuwaasoo 4,93 qof oo dadkaa ka mid ah xanuunka laga helay.
“Dhaqdhaaqa xuduuda dalka ee gobolada Somaliland ayaa laga baadhay cudurkan, waxaanay dadkani iskugu jireen dad ganacsato ah, dadka maqaaxiyaha shaaha iyo cuntada lagu iibiyo, dadka qaadka keena, dadka bakhaarada ku leh magaalooyinka xuduuda ah, dadka Dekedda ka shaqeeya, Dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo Wadayaasha Gaadiidka waaweyn ee xuduudaha iskaga tallaaba.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Khayre. Waxaanu Agaasimaha Guddiga la-dagaallanka HIV/AIDS oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxa kale oo ay daraasadu soo bandhigtay dadku siday u arkaan cudurkan iyagoo intooda badani sheegeen in aanay cudurkani aanu wax jiro ahayn, qaarkoodna waxay rumaysan yihiin in aanay cudurkan qaadi Karin, halka qaarkoodna sheegeen in Caanaha Geelu dawo u yihiin.”
“Dadkii la baadhay waxay shaqooynkoodu kala ahaayeen Dirawaliintu xuduudaha iskaga talaaba 37% ayaa laga helay cudurkan, dadka qaadka ka ganacsadda 21% ayaa qaba, dadka makhaayadaha ka shaqeeya 15%, dad guri joog ah 14%, Hablaha markii hore Jabuuti ka shaqayn jiray 6%, Tukaamadda ganacsiga ee yaryar ee ku yaala meelaha xuduudaha ah 1.8%.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Somaliland.
Agaasimaha Guddida la-dagaallanka AIDS-ka Somaliland Maxamed Daahir Khayre Waxa uu xusay inay u badan yihiin dadka Xuduudaha isaga gudba dadka xanuunka laga helay, waxaanu sheegay inay dalalka IGAD ka tirsan heshiish la galeen oo ay bishiiba mar kulmaan xarumaha caafimaad ee dalalka Xuduudda ku yaallaa sida Itoobiya iyo Jabuuti oo kale. Waxaanu Agaasimaha oo Warbixintiisa sii wataa intaa ku daray inay mar walba dadka xanuunka laga helay u badan yihiin Haween, waxanu sheegay in dadkii laga helay cudurkan HIV/IADS muddadii u dhexeysa 2004-2010 ay 1199 Qof Haween yihiin, halka 975 qofna Rag yihiin, tirada isku darkooduna tahay 2174 Qof.
Agaasimuhu waxa uu Xildhibaannada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa cudurka HIV/AIDS, isagoo xusay in qorshe ahaan sannadka 2012 ay ugu jirto inay yareeyaan cudurkan, iyagoo kaashanaya Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannadda ay shacabku soo doorteen, isla markaana ay wacyigelin ballaadhan ugu samayn lahaayeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen dhibaatada iyo halista uu xanuunkaasi leeyahay.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.