Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Masuulliyiinta Hay’adda Waddooyinka Somaliland oo si wada jira u bilaabay Dayactirka Biriijyo Halbowle ah oo dhaawacyo Shilal xun sababay soo gaadheen

Berberra-09-January-2011-(Berberanews)- Masuulliyiinta Hay’adda Waddooyinka Somaliland (SRA) oo uu weheliyo badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, ayaa maanta si wada jira u bilaabay dayactirka Biriijyada Kala-jab iyo Geel-loo-kor u dhexeeya magaalada Berbera iyo Degmada Sheekh.

Biriijyadan waxa bishii December ee dhammaatay ka dhacay shilal dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo ay sababeen godad markii hore yaraa oo ay qodeen taayirka baabuurta iyo biyuhu, halkaasoo ay ku dhacen gaadiid badan oo aan ka warqabin.

Badhasaabka Gobolka Saaxil, ayaa ka hadlay sababta dhalisay godadkan, “Sanadkii hore markii aanu aragnay biyo ku fadhiistay meeshan oo nabadrka soo gaadhay aad u yaryahay ayaanu biro ku qabanay, anagoo u sheegnay Hay’adda wadooyinka. Marka ay biyo fadhiistaan ee taayirka gaadiid 40 iyo 80 Tone ahi marayso waxay sammaysay dalloolkii yaraa inuu ballaadho oo taayirkii baabuurtu sii qodaan, taasaana keentay dayaca.”

 

“Waa Ilaahay mahadii inaanu maanta ku jirno dhismaha iyo dayactirka biriijyadan oo dhibaato badan nagu  hayay, weriyayaasha waxaan ka codsan lahaa inta aanay qorin warar ku tiri ku teen ah oo ay suuqa ka maqlaan ay sheegayaan ay cidda khusaysa wax ka weydiiyaan, dad baa dumiyay dad baa qodaya intay leeyihiin.”ayuu yidhi Badhasaabku.

Badhasaabku waxa uu sheegay inay Hay’adda waddooyinka ka wada hadleen sidii loo heli lahaa tiim ka tirsan oo si deg deg uga hawlgala waxyeelada waddooyinka inta aanay ballaadhan, isagoo tilmaamay inay dhaqaale ahaan ka kharash yaraan lahayd dhismaha labadan biriij kharashka immika ku baxay haddii goor hore wax laga qaban lahaa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Hay’adda waddooyinka waxaannu ka wada hadalnay sidii loo heli lahaa koox iyaga ka tirsan oo gobolka Saaxil degan oo marba meesha wax noqota dayactira inta aan dhibaatadu inagu sii fara badan oo sideeda wax looga qabto. Qolooyinka waddooyinku way dedaalayaan, inkastoo guddi xukunto muddo ka hor inaanu qabanno ayay ahayd khasaaraha soo gaadhay biriijyadan, oo lacagtu ka yaraan lahayd inta immika gelaysa boodhkaas sidii laysula heli lahaa uu dhibaatadiisa yeeshay.”

Mr. Ramaax waxa uu ballanqaaday inay Mamul ahaan bilaabi doonaan dayactirka godadka u dhexeeya Berbera illaa Geel-loo-kor, “Aad baanu u soo dhawaynaynaa waxqabadkan Hay’adda wadooyinka, annaguna waxaanu ballanqaadaynaa Gobol iyo Degmo inaanu iska kaashano inanau inta googo’day dayactir ku samayno.”

Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Cabdiwaxid Cabdiqaadir Cabdiraxman, ayaa sheegay in muddooyinkii u danbeeyay qaylo-dhaani ka soo yeedhaysay biriijyadaas ku dhaqaaqeen tallaabadan ay maanta ku bilaabeen dayactirkeeda, “Anaga markii farriintu na soo gaadhay waxa la qoray in dadku wax yeeleeyeen, markii danbe waxay noqotay waxyeelo dabiiici ah, maadaama biriijyadani raageen oo muddo 35 sanno ah dhisnaayeen, anagoo wadashaqayn ka helayna Badhasaabka Saaxil baanu qiimayn samaynay, qiimaytayadii wixii nooga soo baxayna aanu bilwonay.”

Maareeyaha Hay'adda Waddooyinka

Maareeyuhu waxa uu sheegay in muddo bil ah oo ay socoto dayactirku ay gaadiidka ka xidheen isticmaalkeeda, waxaannu yidhi, Mudada bisha ah ee biriijyada aanu sammaynaynayo way xidhanyihiin, gaadiidkuna waxay mari doonaan waddo jid cadde ah oo aanu u sammaynay.”

Waxa uu Maareeyuhu inta raaciyay, “Waa waxqabadkii ugu horreeyay ee Hay’addu sammaysay sanadkan cusub ee 2012, iyadoo ay jirto in saddex billood oo kastaba Madaxtooyaddu ka dalabto waxqabadkooda, tanina ay ka mid noqon doonto waxqabadkayaga saddexdan billood.”

Shil gaadhi oo ka dhacay shalay Biriijka Kala-jab

Berberanews.com

Email, info@berberanews.com