Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland Mr Axmed Muxumed Madar, ayaa sheegay inay Hay’addooda dhaqaal-xumo soo food-saartay, sidaa daraaddeedna ay hawleheeda shaqo hor-taagan yihiin duruufo dhaqaale, iyada oo hay’addaasi muddo sannad iyo badh ah jirtay.
Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo Musuqmaasuqa Somaliland. Mr Madar waxa uu sidaa ku sheegay mar uu shalay hortagay Guddi-hoosaadka Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, kuwaasoo Guddoomiyaha ka dhagaystay warbixin ku saabsan hay’adda uu masuulka ka yahay waxyaabaha u qabsoomay, caqabadaha hortaagan iyo waxa u qorshaysan, waxaanu sheegay inay Hay’addaas fadhiid ka dhigtay dhaqaale-xumo.
Guddoomiyaha Hay’adda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Somaliland Axmed Muxumed Madar oo Guddiga warbixin u jeediyey waxa uu yidhi; “Runtii waxaynu ka wada war-qabnaa in hab Maamulkeennu ahaa mid dariiq khaldan ku socday sababta oo ah 60-kaa sano meel ayeynu gaadhi lahayn oo taasi waxay ka markhaati ka caysaa xaaladda aynu maanta ku suganahay oo nuxurku wuxuu yahay inaynu toosinno nidaabkaas oo wixii ka dhashay oo ah is wax is-waydaarin. Markaa, waxa weeye runtii inaynu la-dagaallano wax is daba marinta. Waxaynu ognahay 60kii qofka Ummadda xil u haya ama dawlad u haya ee wax is way daarin ku kaca, magacaynu odhan jirnay wuxuu ahaa Biidhi-qaate oo ah laaluush-qaate, maantana waynu garanaynaa halka uu nala maraayo.oo waxaynu ka markhaati kacaynaa in qofka hantida lunsadaa uu gashaan iyo garabba helayo, oo lagu amanaayo oo loo haysto nin libaaxa oo dadkiisa iyo ehelkiisaba wax taray inuu yahay.” “Waxaynu illaaw-sannahay Ummad ahaan inay innaga dabayso Xisaabi oo ay Aakhiro jirto oo qof walba waxa uu adduunyada galabsaday helayo, waxa loo dhiibay sida uu u Xiftiyo ama xilka loo dhiibay in lagula Xisaabtamaayo ayaynu illaw-sannahay. Markaa, Hay’addayadani waxay jirtay muddo sanad iyo badh ah oo waxay ahayd mid cusub oo dadweynaha intooda badani u riyaaqeen iyaga oo dhibaatada uu ku hayo wax is-waydaarisku oo ka xun, inay is yidhaahdeen malaa maanta ayaa arrintii wax laga qabanayaa oo wax toosayaan, runtii waxay ahayd mid ay nagu soo dhaweyeen. Muddo gabaan ayeynagu weydiinayeen waar waatii la idin magacabay ee maxaad wax u qaban waydeen ama u hawlgali waydeen, Runtii jawaabtu waxay tahay Guddiga ayaaa cusub.” Sidaas ayuu yidhi Axmed Muxumed Madar.
Guddoomiyaha Hay’adda Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Annaga wax naga horreeyay oo jiray may jirin oo waxaannu la mid nahay ilma dhashay oo 6 bilood jiray ama sannad, ha ku ordo la yidhi waxay leedahay dhibaatadeeda waxaana kaw ka ah dhaqaalo-xumo iyada oo hawsha na loo dirayna aad u baladhan tahay, oo annaga maaha mid aanu maamul qudha toosinayno, ee waa mid aannu Ummad toosinayno oo maamul qaloocan toosintiisu waxay ku xidhan tahay in dhaqaale loo leh ama mushaharka xaddidan ee ay u baahan yihiin shaqaaluhu lagu siin lahaa oo tabobbar iyo aqoon lagu kordhin lahaa iyo agabkii ay ku hawlgali lahayeen sidii loo heli lahaa.”
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland.