Madaxweynaha Somaliland, Guddoomiyayaasha Xisbiyada, Ururada siyaasadeed, ururada Samofalka iyo masuulliyiinta Tacsiyadaynaya Geerida Marxuum Waqaf

Hargeysa-(Berberanews)- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Tacsiyaddo kala duwan oo Madaxweynaha Somaliland, Ururada siyaasadda, ururadda rayidka ah iyo dadweynuhu u dirayaan Geeridii ku timi Marxuum Aadan Mire Waqaf.

Tacsi Madaxweyne

Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM AADAN MAXAMED MIRE (WAQAF) oo ku geeriyooday Dalka Maleysiya, Xilal kala Duwana ka soo qabtay Dalka JSL, markii ugu Danbaysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Hore ee Xisbiga UCID.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Tacsi Xisbiga UCID

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Dhamaan Guddida Fulinta, Xubnaha G/Dhexe, G/Haweenka, G/Dhalinyarada iyo dhamaan Xubnaha kale ee  Xisbiga UCID waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan  geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Hogaankii hore ee Xisbiga UCID Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf

Waxaanu Eebo uga baryaynaa inuu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalanadna samiir iyo Iimaan saadiqa ka siiyo gaar ahaan  Qoyskii, Ehliyadii Qaraabadii uu ka baxay Marxuumku.

 

Wasaaradda Madaxtooyada JSL.

 

  1. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan
  2. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Xasan Cabdi Madar
  3. Afhayeenka  Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland          Mudane: Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
  4. Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada          Maxamuud Cabdilaahi Xarbi
  5. Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada Mudane Abshir Xasan Xaashi
  6. Agaasimaha Munaasibaadka Madaxtooyada Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi)
  7. Agaasimaha Xisaabaadka Madaxtooyada                            Maxamed Xirsi Xasan (Digaale) iyo Dhamaan La-taliyeyaasha Madaxweynaha JSL, & sidoo kale Dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyadu waxay Tacsi u dirayaan Maareeyaha Sama-falka Madaxtooyada JSL, Marwo, Aamina Maxamuud Diiriye oo ay ka tacsiyadaynayaan geerida naxdinta leh ee ku timid Eedadeed Marxuuma Quraysha Rooble Maxamed

Dhamaan Bahda Wasaaradda Madaxtooyadu waxay illaahay uga baryahan Marxuumada in uu janno fardawsa ka waraabiyo Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxdayna Samir iyo iimaanka siiyo.

 

Ururka Haweenka SLWA

Guddoomiyaha Ururka Samofalka Haweeenka iyo dhallinyaradda SLWA, Marwo Caasha Xuseen Maraykan, Guddoomiyaha SLWA ee Somaliland Aniisa Cabdi iyo dhammaan hawlwadeennada kala duwan ee uruka Somaliland Women’s Association meelk kasta oo ay ku suganyihiin waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiye ku xigeenka hore ee Xisbiga UCID Marxuum Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ku geeriyooday dalka Malaysia.

Marxuumka waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo, ehladii, qaraabaddii iyo qaranka uu ka baxayna sammir iyo iimaan ka siiyo.. aammiin

Tacsi Ka Timid Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree):Kuna Socota Geerida

Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf

 
 
Tacsi Ka Timid Suleiman Saeed Kabadhe (Danjiree) waxa uu tacsi
tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyskii, Qaraabdii, Asxaabtii iyo
Ehelkii Alle ha u naxariistee Geerida Marxuum Aadan Maxamed Mirre
Waqaf waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno
ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo dhamaan Shacabka reer
Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.
Waxa aan ilahay ugu baryaa Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf inuu
janadii farduusa ka waraabiyo samir iyo imana inaga siiyo in ilahay
godka u nuuro ilahay suaalaha garsan siiyo in ilaahay maalinta qimaaye
danbigiisa dhaafo amiin amiin amiin.
 
Waxa aan Ilaahay kabaryayaa inuu Marxuum Aadan Maxamed Mirre Waqaf
Inuu halkii uu ka baxay ugu badalo naxariis iyo nabad galyo iyo samir
iyo iyo cawil khayr qaba xaruurtiisii iyo Dhamaanba Shacabka
Jamuuriyada Somaliland.
 
Suleiman saeed Kabadhe (Danjiree
 
 
 
 
inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun
 
Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca qoyskayga reer siciid jaamac yusuf waxaan tacsi u dirayaa
qoyskii iyo ehelkii iyo asxaabti iyo qarankii uu ka geeriyooday alla ha u naxariistee Adan Maxamed
Mire (waqaf) , oo ku geeriyooday dalka Malaysia 08.01.2012, waxaan ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan inaga   siiyo, aamin , aamin
 
Siciid Jaamac yuusuf