Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo sheegay inuu ka Sharraxan-yahay Xisbiga UDUB

Hargeysa-(Berberanews)- Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilladda ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay Musharrax u taagan inuu jagada Madaxweynaha uga dhex tartamo Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB oo musharrana jagaa Guddiga fulintu u xulatay toddobaadyadii u dambeeyey khilaaf Xisbigaa kala qaybiyey ka taagnaa.

Md. Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada ugu jira Xisbiga UDUB, ayaa sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn in Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga lagu murmin, hase ahaatee, ay muhuumaddu tahay in la isla fahmo sidii Xisbiga loo dhisi lahaa, isla markaana uu uga gudbi lahaa doorashada golayaasha deegaanka ee bilaha soo socda la rejaynayo inay dalka ka qabsoomaan. Cabdiqaaddir Jirde oo Dood Waraysi ah Xalay uu la yeeshay Horn Cable TV isaga oo ku sugan waddanka Ingiriiska, waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka wakhtigan Xisbiga ka jira. Waxaanay Su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey u dheceen sidan:

S.Cali Waran-cadde iyo kooxda la socotaa waxay leeyihiin Xisbigii waa la iibiyay ee adigu sideed u aragtaa?

J: Anigu cid magacaabi, maayo aniga oo kale hanbaa iga hayay inaan iska sharraxo Xisbiga oo nimankan waxa ay ahaayeen nimaankii xilalka waa weyn ka hayay dawladdii hore, Xisbiga UDUB wuxuu u baahan yahay is-beddel oo Dhiig cusub lagu shubo, markaannu isla qaadannay in Xisbiga dib loo dhiso ee isweydiinnay ma waxaynu ku horraynaa doorashada degaanka mise hoggaanka ayeynu is beddel ku samaynaa oo aynu beddelnaa? Waxa laysla qaatay in hoggaanka la beddelo oo hoggaanka Xisbiga lagu beddelo si turxaan la’aan ah oo aan cidi is qab-qabsan ayey ahayd oo waxa laga tagay golihii deegaanka oo waxa immika la isku haystaa waa Cidda Xisbiga u noqonaysa Musharraxa.

S.Immika way maqan yihiin Guddoomiyihii Xisbiga iyo Xooghayihii guudy oo waxaad mooddaa Taliskinni in Guddoomiye Ku-xigeenki ka joogo oo adiga iyo rag badan oo kalena dibeddaad joogtaan, markaa ma u muuqataa in UDUB meel lagu kala tagay tahay?

J: Wallaahay afar shir oo la iskugu yimid waxa la moodaayey in la kala tagaayo oo waxa muuqatay in aad look ala fogaa, haddana iyada oo la kala fogyahay ayaa dib la iskugu soo noqan karaa waxaana qabaa in arinkana uu iska dhamaanaayo. Aniguna maanta waxaan ahay Musharrax Xisbiga UDUB ah oo waan ku jiray Musharrixiinta ee waxaannu goosannay inaannu taas gogosha aanu keenin, oo carqaladda ugu wayni waxa weeye sidaannu Xisbi u noqon lahayn oo Xisbigii si fiican uu u shaqeeyo, oo waxaannu nidhi; ‘waar musharraxa naga daaya  oo xooga iyo talada aynu isugu gayno innaga oo isku duuban inaynu xoogga saarno Golaha degaanka si aynu u soo baxno.

S: Cabdi Qaadir, Markaa, ma waxaad wel-wel ka qabtaa inaad soo bixiwaydaan UDUB ahaan?

J: Dee haddii aan la dedaalin oo la isku halayn musharraxa wuu soconayaa Xisbigii, laakiin Jamaal Cali Xuseen Xisbiga kor uma qaadi karo ee waxa kor u qaadi kara Saylac illaa Bari laamihiisa ee haddii la yidhaahdo nin-baa loo daayey Xisbigii oo la isku khilaafo wax soo socdaa ma jiro ee waxaanu maanta ka soo hor jeednaa in Hoggaanka la isku qabsado ee waxa weeye in hoggaanka la doorto marka bisha saddexaad ee sannadkan la gaadho. Waxaan kula talinayaa in hoggaanka Xisbiga uu dhammaystiro hawsha oo cidna ka yeeli mayso waxa uu ku kacay oo ramuud uu isagu ku hago. Xisbi doorasho galaaya oo maraaya marxaladdii u xumayd inta ramuud Guddoomiyihii waday Xisbiga in lagu soo hoggaamiyo wax dhacaaya maaha Cidina waxaa ka yeelimayso ee waa in Xisbigii la isugu yimaaddaa oo Nin kaliyi ma dhaamin karo nin kaliyi marxaladdan Xibiga kama saari karo meeshiina waxa jooga rag caqiibo leh oo waa in Xisbigii la badbaadiyo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.