Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka u qaabbilsan Soomaalida

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga dawladda Maraykanka u qaabbilsan arrimaha Soomaalida James Swan oo shalay booqasho ku yimi Caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Siilanayo iyo Safiir Swan, ayaa ka wadahadlay, nabadgelyada geeska Afrika, doorka ay Somaliland kaga jirto, dhibaatooyinka iyo khataraha Budhcadbadeedda, Argagixisada, saamaynta ay ku yahaan dunida, sida wax looga qaban karo iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka ka dhexeeya. War-Saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa siadaa lagu sheegay. War-saxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Maraykanka u Qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr. James Swan oo booqasho 2 maalmood ah ku yimid Somaliland.

Arrimaha ay ka wada hadleen waxa ka mid ah nabadgelyada guud ee geeska Afrika iyo saamaynta ay ku leeyihiin argagixisada iyo budhcadbadeedu. Waxay kaloo ka wada hadleen xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dawlada Maraykanka iyo Somaliland oo soo xoogaysanayay mudooyinkii dambe, iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga.

Wuxuu Madaxweynuhu ka mahadceliyay taageerada ay dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland ee dhinacyada adeegyada bulshada iyo kor-u-qaadida ilaha dhaqaalaha oo Madaxweynuhu ku tilmaamay inay yihiin halbawlaha horumarka dalka.

Dhinaca kale Safiirka Dawlada Maraykanka ee Fadhigiisu yahay magaalada Nairobi Md. James Swan waxa uu tilmaamay in dawladiisu ay dhiiri-gelinayso horumarka la taaban karo ee ka taabo qaaday Somaliland ee dhinacyada badan leh, wuxuuna sheegay in dawladiisu sii kordhin doonto wada shaqaynta iyo taakulaynta ay u fidiso omaliland, iyada oo ka duulaysa siyaasada Maraykanka ee mandaqada ee laba geesoodka ah, oo u fasaxaysa Maraykanku intuu si toos ah ula shaqeeyo Somaliland.

Inta uu safiirku wadanka ku sugan yahay waxa uu la kulmayaa masuuliyiin ka tirsan qaybaha kala gedisan ee wadanka, waxaana uu soo kormeeri doonaa mashaariicda ay maalgeliso dawlada Maraykanku ee ka socda.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.