Madaxweyne Sheekh Shariif oo markii ugu horreysay qiray doorka uu ku lahaa inay Al-Shabaab Soomaaliya ka dagaallanto

Muqdisho-(Berberanews)- Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horreysay daboolka ka qaaday inay Al-Shabaab-ta dagaalka ka wadda immika dalka Soomaaliya ay soo dhaweeyeen markii uu Sheekh Sharfiif ahaa hoggaamiyaha Ururkii Maxkamadaha Islaamiga ah ee gacan-ku-haynta Muqdisho kala wareegay 2006  qabqablayaal-dagaal oo muddo dhawr iyo toban sano ah ku hirdamayey Soomaaliya.

Hase-yeeshee, Madaxweyne Shariif waxa uu ku tilmaamay Malleeshiyada Al-Shabaab oo ka dhex abuurtay isbahaysigii Maxkamadaha Islaamiga ah ee uu isagu hormuudka u ahaa, inay yihiin kuwo fidmo-wadayaal ah oo aan marnaba doonaynin inay Soomaaliya nabadgelyo ka dhalato.

Sheekh Shariif oo markii u horreysay maanta arrintan ka hadlay, ayaa sheegay in Al-shabaab wakhtiga ay soo dhawaynayeen iyaga oo Isbahaysigii Maxkamadaha ah ay isugu jireen Soomaali iyo Ajaanib ay u haysteen inay nabadgelyada iyo xasilinta Soomaaliya kala shaqaynayaan Maxkamado ahaan.  Sheekh Shariif oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Markii hore waxaan moodaynay Al-shabaab inay yihiin kuwo wanaag wada, waana soo dhaweynay innagoo maxkamadaha ah, xilligaas oo aan dagaal kula jirnay hoggaamiye kooxeedyadii oo qaarkood hadda aan saaxiibbo nahay.”

Waxa kale oo uu Madaxweynaha Soomaaliya xusay  in markaasba ay dareemeen xubno Al-shabaabta Soomaalida ah iyo kuwa ajnabiga ah oo hub iyo saanado kale oo ciidan urursanaya laakiinse aaanay shareysan.

Madaxweynuhu wuxuu ku sifeeyay Al-shabaab inay tahay koox aan doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya, balse kuma sheegin hadalkiisa inay ku qaldanaayeen xillgaas inay soo dhaweeyaan Maxkamado ahaan. Hadalkan Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Isbahaysiga Maxkamadaha Soomaaliya, ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee uu ku qiro doorka uu ku lahaa curinta Al-shabaab oo hadda dagaal ba’an kula jirta dawladda ku-meel-gaadhka Soomaaliya ee uu Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha ka yahay.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.