Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo ku dhaawacmay shil baabuur

Berbera-(Berberanews)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Saaxil, ayaa ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay Dawga Buurta Sheekh.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo maanta la keenay cisbitaalka Guud ee magaalada Berbera, ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay cunaha, ka dib markii gaadhi uu watay oo ay ku weheliyeen wiil uu dhalay iyo laba nin oo ehladiisa ahi saaka kula guddoomay Kantaroolka Bari ee Degmada Sheekh.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isagu dhaawaciisu ugu culusyahahay, ayaa dhaawacyo ka soo gaadheen qoorta iyo jugo aan muuqan soo gaadhay, sidoo kale labada nine e kale oo iyaga dhaawacyo fududi soo gaadhee,. Ayaa la dhigay cisbitaalka Berbera oo lagu dawaynayo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu saaka ka soo kicitimay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, isagoo u soo jeeday Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com