Miisaaniyadda Qaranka 2012 oo dhaqaale badan loogu daray wax-ka-qabashada baahiyada Caafimaad ee dalka.

Hargeysa-04,March,2012-(Berberanews)-Miisaaniyadda Qaranka Somaliland ee sanadka 2012, ayaa lagu daray dhaqaale badan oo wax lagaga qabanayo baahiyaha caafimaad ee dalka ka jira, kuwaasoo dhaqaale badani dalka debeddiisa kaga baxo.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, oo maanta xogwaran miisaaniyadda siiyay mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay dhaqaale badan ugu dareen miisaaniyadda wax-ka-qabashada baahiyaha caafimaad ee dalka yaala, kuwaasoo ay ka mid yihiin in dhakhaatiir caafimaad oo caalamiya la soo kireeyo, lana dayactiro agabka caafimaad.

Wasiirku isagoo tusaale ka bixinaya waxyaabaha ay sannadkan miisaaniyadda ugu dareen caafimaadka waxa uu yidhi, “Cusbitaalka Hargeysa oo kale mashiinka kelyaha lagu sifeeyo oo yaalay laguma shaqayn jirin, waayo dad ku shaqeeya oo yaqaanna lama hayn, kimikalkii lagu shaqaynayeyna muddadiisii way dhacday. Markaa waxaannu samaynay in aannu diyaarinno mushaharka dhakhaatiirta ka shaqayn lahaa, kimikalkiina aannu kharashkiisii bixino oo intii u dambaysayna toddobaadkii hore ayey timi, si sifaynta kelyuhu noqoto wax Hargeysa lagu qaban karo, qofka kelyuhu xannuunayaan marka uu dibada tago dhibaatada haysataa waxay ahayd kolka la yidhaa toddobaadkii laba jeer baa lagaa beddelayaa dhiigga isaga oo fiise ku jooga ma joogi karayo, soo noqoshana waa geeri, isaga iyo ehelkaba dhibaato ayaa haysatay. Sidaa darteed in adeeggaa caafimaad halkan lagu sameeyo ayaanu doonaynaa.”

 “Waxa kale oo aannu samaynay in laga maarmi karo dalalkan dibadahan ee caafimaaadka gaarka ah loo tagayo sida Maleesiya, Addis Ababa, Jabouti iyo Koonfur Afrika, waxaannu arrintaa la kaashanay Wasiirka iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka oo waxaannu iswaydiinay ma heli karnaa in dhakhaatiirtaas inaguba soo kiraysano, waxay yidhaahdeen haa, kadib waxay keeneen qiimihii ku baxayey dhakhaatiirta oo noqday afar boqol oo kun oo doollar sannadkii, qalabkii ay ku shaqayn lahaayeena wuxuu noqday ilaa lix kun iyo wax la jira, isugeyn waxay noqdeen ilaa toddoba boqol oo kun oo doollar, arrintaasna lacagtii waanu u haynaa, dhakhaatiirtii ayaa tigidhadii loo diyarayaa, kuwaas oo sidoo kale jaamacadahana wax ka dhigi doona oo ardaydeena ay tababaro siiyaan. Markaa waxay noqon doontaa wixii aynu dibadaha ugu baxaynay oo kharash badani inagaga baxayey dawlad ahaan iyo shacab ahaanba in aynu soo koobno oo halkan [Somaliland] laga helo.

Labadaas arrimood ee caafimaadku waxay keenayaan in iyaga laftoodu ilaa laba sanno iyo badh gudahood isku bixiyaan oo wixii ka dambeeya aynu ku faa’iidno,” ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland.

Berberanews.com

Barnaamijka Caafimaadka