Sheekh Shariif oo sheegay inuu magacaabayo Guddiga wadahadalka Somalia iyo Somaliland iyo Boqor Buur-mwadow oo ka digay Shirqoollo uu la maaganyahay Somaliland

Hargeysa-(Berberanews)-Madaxweynaha Dawladda xilligeedu dhammadka yahay ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xukuummadiisu qorshaynayso magacaabista Guddi ka shaqaysa wada-hadal dhexmara Somaliland iyo Somalia oo ka mid ahaa qodobaddii ka soo baxay shirkii Somalida ee London ka dhacay 23,February,2012.

“Dowladda KMG ah waxay diyaar u tahay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u saarto guddi si wadahadal loola billaabi lahaa walaalaheen Somaliland, iyadoo laga faa’iideysanayo fursadda billaabatay,” ayuu yidhi Shariif Sheek Axmed.

 Madaxweyne Shariif waxa uu beeniyay inuu ka shaqaynayo burburrinta Somaliland, iyadoo sida la ogyahay uu shalay ku dhawaaqay inuu aqoonsaday maamulkii fashilmay ee Khaatumo, taasoo colaad hor leh ka abuurtay Laascaanood oo mudaharaado ka dhaceen, “Beryahaan waxaa suuqa aad ugu jiray dowladdu waxay ka shaqeynaysaa inay burburiso Somaliland, taasna waxaba kama jiraan, innagu waxaan u arkaynay soo dhaweynta Khaatumo State howl gacanta Soomaaliyeed ku jirta, ujeedaduna ay tahay in dadka la wada hadashiiyo nabadna lagu wada noolaado, taasna waan kala hadalnay walaalaheen in dowladdu aysan waxba bur-burinayn balse ay wax dhisayso,” ayuu yidhi Sheekh Shariif oo maanta hadal ka jeediyay Xuska maalinta Haweenka ee 8 March oo lagu qabtay Muqdisho.

Boqor Cismaan Maxamuud Buur-madow, ayaa isaguna ka digay shirqoolo Sheekh Shariif ku hawlanyahay kala goo’goynta iyo nabadgelyo darro ka dhalata Somaliland oo muddo dheer nabadgelyo ku naaloonaysa.

 Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo shalay u Waramayay Idaacada Shabeele ee Dalka Somaliya, isagoo ku sugan dalka Imaraadka Cwarabta  ayaa Carrabka ku dhuftay in Madaxwayne Shariif buriyay Wada hadal dhex mara Somaliland,a ka dib markii sida uu sheegay uu ku kacay  Waxyaabo ka hor imanaya wadahadalka la filayo Beesha Caalamku u qabato Dawlada Somaliland iyo Somaliya.

Boqor Cismaan waxa uu ku Eedeeyay Madaxwayne Shariif inuu Gobollo ka mid ah Somaliland u Aqoonsaday inay ka mid yihiin Dalkiisa somaliya gaar ahaana Gobollada Sool iyo Sanaag, Boqorka ayaa Daaha ka rogay in arintaasi aanay Raali ka ahayn Dadwaynaha Somaliland Gabi ahaanba arintaasina dhaawacayso Nabad galyada labada Dal ee jaarka ah.

Buur Madadaw Waxa kale oo uu Sheegay in Shariifku hareer maray Fursado uu Somaliland kula hadli lahaa isaga oo sheegay inay arintani sii kala fogaynayso Ra’yiga Somaliland ka qabto wada hadal dhex mari kara labada Dawladood, waxaanu Wax laga Xumaado ku tilmaamay in Dawlada ku meel gaadhka ah ee somaliya Fara galiso Gudaha Dal kale oo ka madaxbanaan.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) ayaa Shaaca ka qaaday inay Dhawaan Tagi doonaan isaga iyo Odayaal uu hogaaminayo Muqdisho isla markaa ay ugudbin doonaan Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha soomaaliyeed Xadgudubyada iyo Eedaha ay ka Tirsanayaan Madaxwaynaha ku Meel gaadhka ah ee Somaliland Sh.Shariif Sh.Axmed oo Intii ka danbaysay shirkii London bilaabay sidii uu uwiiqi lahaa Qadiyada Somaliland .

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com