Hooyo reer Hargeysa ah oo xogwaran ka bixisay qaabka uu ku dhintay wiil ay dhashay oo ku biiray Al-shabaab iyo qaabka uu ku tegay

Hargeysa, 12 March, 2012 (Ogaal/Berberanews)- Hooyo reer Hargeysa ah oo Wiil ay dhashay, isla markaana dhigan jiray Malcaamad Quraan Caasimadda ku taallaa uu ka mid noqday Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta dalka Soomaaliya, halkaas oo uu ku geeriyooday dagaallo ka dhacay, ayaa ka warrantay qaabka uu Wiilkeedu dalka uga baxay.

 Hooyadan oo sababo ammaankeeda la xidhiidha naga codsatay inaannaan mageceeda shaacin, ayaa sheegtay inay jiraan Malcaamado Hargeysa ku dhex-yaalla oo Carruurta lagu duufsado si ay xubno uga noqdaan dagaal-yahannada Malleeshiyada Al-Shabaab oo dhawaan shaacisay inay ku biireen Shabakadda argagixisada caalamka ee Al-Qaacida.

 Hooyadan reer Hargeysa oo shalay gurigeeda oo ku yaalla magaalada Hargeysa ugu warramaysay Weriyeyaal ka tirsan Ogaal, waxa ugu horreyn la weydiiyey siday u dareentay Wiilkeeda waxbarashada ay ku ogeyd ee markuu Al-Shabaab muddo ka mid ahaa ka dib geeridiisa loo soo sheegay, waxaanay ku jawaabtay; “Hooyo, Illaahay khayr ha ku siiyee, ma filayn in qof danbe I soo xusuusinayo arrinkaa, laakiin, dib ha ii weydiin, waan ku dhaariyee, cid danbena ha ii soo tilmaamin. Hooyo Illaahay waxaan ka baryaa wakhti walba, haddii in uun ducadaydu kacayso  Ifka iyo Aakhiraba inuu halaag iyo jahanama geeyo dhammaantood Al-Shabaab, Hooyo hadh iyo habeen habaar baan ku  ogahay. Hooyo, oohintu ta Indhaha oo keliya maaha, Uurka ayaan ka ooyaa markaan maqlo qof dhintay, Muslim iyo Gaal midkuu doono ha ahaadee  dulmi lagu dilay. Reerkayga iyo ummada Islaamka-ba waan habaaray qofkii wax ku darsada ama u riyaaqa Shadaaddiinta anigu magaca lagu sheego uma aqaanniye. Hadh iyo habeen habaarkaygu ha haleelo..” sidaa waxa tidhi Hooyo Wiil yar oo dhawr iyo toban jir ah oo ay dhashay geeridiisa loo sheegay, ka dib markii uu ka mid noqday Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta koonfurta dalka Soomaaliya.

Mar aannu Hooyada Wiilkeedu dhintay oo reer Hargeysa ah wax ka weydiinnay saamaynta ay arrintan Wiilkeeda galaafatay ku keeni karto dhinaca Malcaamadaha, waxay tidhi; “Taa Malcaamadaha, waxaan is idhaahdaa miyaan arliga Xukuumadi jirin, illeyn wax bay ka qaban lahayd dhibaatada ay ku hayaan Carruurta iyo Waalidka dhalay-ba. Inankaa iga dhintay halkii laga raacay wxaay ahayd Malcaamad uu dhigan jiray, oo markii danbena uu yidhi; ‘waxaan waxbarasho u tegayaa Xamar, laakiin dhimashadiisi ayuu doontay oo waxbarashaduu ii sheegay waxay ahayd dagaalka. Welina way furan tahay Malcaamaddii laga duufsaday, haddaan wax laga qabanna in badan oo kale ayaa waddadaa Wiilkaygu maray raaci doonta.”

Hooyadan oo la weydiiyey waxay u soo jeedin lahayd Waalidiinta weli Waxbarashada Malcaamadaha ku jirto, waxay tidhi; “Qofkii Islaam ah ee ashahaadanaayoow, iska ilaali u dhowaanshaha Shadaaddiintaa, Illaahay wuu jebin doonaa, waxaan u sheegayaa Hooyinka Carruurtoodu maqan  u dhololayow, haddaydaan waxba ka qaban karin soo celintooda, ma filaayee, inay ummadda u sheegaan inta Hooyo walba ka maqan oo xitaa Sawirradooda hadday hayaan ummadda uga digaan si aanay u dakhrin ummad aan waxba geysan oo iyaguba ku jiri karaan.”

Waxay Haweenaydaas oo hadalkeeda sii wadataa tidhi; “Hooyo, Illaahay ka baqa, Xukuumaddeenana waxaan leeyahay kollay hawli idiinkuma baaqanne, Illaahay iyo ummaddeenna la kaashada ka ilaalinta Shadaaddiintaas (Al-Shabaab), oo kuwii aad qabataan, haddaydaan u gubayn siday ummadda ugu qarxaan, wax ka qabta, jidh u damqanayaa ma jiree. Hooyo Illaahay ayeynu ka maqan-gelaynaa inuu innaga ilaaliyo shadaadiinta. Culimadeenna Diinta baratay waxaan leeyahay arrimahan ka hadla oo innooga diga oo makasteenna u caddeeya dulmigooda iyo waxay Diinta Islaamku ka qabto.”

Sources, Ogaal