Tayada Agabka, Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo la soo bandhigay

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Kalluumaysiga iyo Ganacsiga Somaliland, ayaa maanta ka qayb galay kulan lagu shaacinayay Tayada Agabka Shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaaradda Caafimaadka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.

Waxa ujeeddada ugu wayn ee kulankani salka ku haysay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda qofka shaqaalaha ahi leeyahay iyo qaabka ugu haboon ee kor loogu qaadi karo aqoontooda .

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamud (Xuseen-Xoog) oo madashaasi ka hadlay ayaa  sheegay inay u dhamaystirmeen arrimihii aasaaska u ahaa bah’da Caafimaadka maadaama ay jireen sida uu xusay ururada Kalkaalisooyinka iyo Umulisooyinka Somaliland iyo Ka dhakhaatiirta kuwaas oo u dooda xuquuqda inta xubno ka ah,isla markaana ka feejigan hadii bah’da caafimaadku ay dhinacooda dhibaato ku keenaan bulshada ay u adeegayaan.

Wasiirka Caafimaadku waxa uu tilmaaamay in tayada agabka shaqada iyo Shaqaalaha ee Wasaarada Caafimaadku uu ka turjumayo sidii loo hagaajin lahaa waxyaabaha ummada loo qabanayo,isagoo hoosta ka xariiqay in ay kala saareen shaqooyinka la qabanayo iyo cida qaban karta iyo sidii loo heli lahaa warbixin cad oo qofka lagula xisaabtamo si loo wanaajiyo ayuu yidhi gudashada hawl maalmeedka ay bah’da Caafimaadku u xilsaaran yihiin .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland Mudane C.risaaq Khaliif Axmed oo soo dhaweeyay barnaamijkan ay wasaarada caafimaadku soo bandhigtay kaas oo door wax ku ool ah ka qaadan doona sida uu sheegay tayaynta xirfadlayaasha caafimaadka.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.