Haddii Al-Shabaab ka soo Carartay Ciidanka Itoobiyaanka, maxay ka filayaan kuwa Somaliland?

“Ujeedada isku-biiridu waa sidaan Al qaacida ugu wareejin lahayn Soomaaliya…” Sh. Cali Dheere.

Odhaah carruurta loo tiriyo ayaa ahayd “Aabow ka yar iga celiyoo..ka weyn igu soo daa” Waxaa haatan halkaa maraya shabaab oo ay soo eryadeen kana soo cararay ciidamada Itoobiyaanku, waxa ay ka filayaan ciidamada qaranka Somaliland iyo shacabkooda oo la ogsoon yahay taariikhdooda dagaal.

Markii Yasin Kilwe, cadeeyey inay ku biireen Shabaab, wasiirka Arrimaha gudaha Puntland, Ilkajir, aya ku sheegay in midowgaasi aanu qiimo lahayn, waxaanu xusay inay hore ula socdeen inay xidhiidh leeyahiin Shabaab kooxda galgala, inkastoo shabaab hore u beenisay, laakiin ogolaanshada xilligan cadeynayso awooda wiiqantay iyo sida ay ugu baahan yihiin gacmo kale. Yasin Kilwe ayaa sidoo kale ah nin hore looga sii daayey xabsiga Hargeysa sannadkii 2009, ka dib markii lagu eedeeyey xatooyo, taasoo ku tusaysa sida aanu xitaa u lahayn dhiiranaan uu denbi culus ku sameeyo laakiin xatooyo lagu eedeeyey, haddaba nin tuug ahaa siduu u noqon karaa hogaamiye dagaal mase istaahilaa waa su;aal isweydiin leh?

Waxa sidoo kale dhacday in maalmo ka dib nin la yidhaahdo Daahir Maxamed cali, beeniyey in kooxda Galgala ku biirtay shabaab, kuna tilmaamay koox yar oo Atam la goostay inay yihiin kuw ategay Koonfur, sida Somali report qortay.

Waxa muhiim ah ogaanshaha sababta xilliga midowga shabaab iyo ururada al qaacida iyo kuwa Galgala keenay, taasoo noqonaysa markii maleeshiyaadka Shabaab laga saaray intii badnayd Muqdisho, isla markaana awoodoodii ciidan iyo siyaasadeed labadaba si weyn loo naafeeyey, ayaa sababay inay muujiyaan xidhiidhkooda al qaacida oo hore iyadoo jirta u qarin jireen, iyo weliba dhawaaqa Cali dheere ku cadeeyey ujeedadoodii u qarsoonayd ee ahayd inay shaqaale u yihiin Al qaacida.

Waxaa la odhan karaa waxay ku raadinayaan xal, balse waxay ka dhigan yihiin  bukay ee la gubay, ee la yidhi xanuunkaagii hore kan danbe ku illow, ee markuu asqoobay la weydiiyey: “Sidee tahay, xaalkaaga ka waran?” ee yidhi: “Waa fiicanahay” ilayn wax kaloo uu yidhaahdo uma banaanee! Hadduu yidhaahdo waan bukaa, waxuu ka baqayaa in dab kii hore ka badan.

Haatan riyada shabaab inay ku helayaan awood ku biiritaankooda kooxda galgala ayaa ku danbayn doonta sida ninkaa xanuunsanayey ee dabka la qabadsiiyey, ilayn xanuunka wax soo baday ciidamada Itoobiyaanka ee ay ka soo carareen, waxaase aanay ogeyn in ciidanka Somaliland ka kooban yahay isla markaana ay hogaaminayaan rag u soo badheedhay ka hortaga ciidankii Afweyne oo dhamaan noocyada hubka sida kaarayaal, diyaarado ku dagaalamayey ka soo adkaaday, markaa fursad xaqiiqdii ma helayaan fulayda shabaab ee dumarka iyo caruurta aan waxba galabsan kharxiya inay soo waajahaan.

 Waxaan filayaa sidoo kale inay leeyahiin kartida saamaxaada dhamaan shabaabta inta ka soo laabta waxashnimadaa doonayana inay nafaha bani’aadamka xaqdhowraan oo ku soo laabtaan dalkooda si nabadgelyo ah..

Qore: Axmed C. Sheekh

Burco/Togdheer.