Roobabka Gu’ga oo ka curtay deegaanno ka tirsan Gobollada Gabiley iyo Awdal

Awdal/Gabiley-(Berberanews)- Raxmaadkii Gu’ga ee Sannadkan ayaa galabta ka curtay deegaamo door ah oo ka tirsan Gobollada Awdal iyo Gebilay.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaannada gobollada Awdal iyo Gabiley, Roob lagu qabowsaday ayaa Lixdii Makhribnimo ka da’ay Magaalada Boorama kaas oo Weriyuhu sheegay inuu ku teedsanaa ilaa degmada Dila .

Dhinaca kale Wararka naga soo gaadhaya Degmada  Togwajaale ee Gobolka Gabilay ayaa sheegaya in Roobab googoos ah oo dad iyo duunyaba lagu qabawsaday ay galabta abaaro Shantii iyo Afartan daqiiqo ay ka da’een jiido kala duwan oo ka tirsan deegaanadaasi.

Raxmaadkan Gu’ga ee sannadkan ayaa dhabarka ka jebinaya jiilaal adag oo ka taagnaa Guud ahaan Gobolada dalka ,kadib markii xili roobeedyo di’I jiray ay xiliyadoodii ka baaqdeen.

Guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobolada Gebilay iyo Awdal ayaa eebe uga mahadceliyay Curashada roobka  Gu’ga  ee Sannadkan isla  markaana ilaahay ka baryay inuu ka saara dalkoo dhan abaarta adag ee ka taagnayd raxmaadkiisana ku maansheeyo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.