Somaliland oo ka hadashay Dagaallo ka dhacay Sool iyo Buuhoodle, Guulo ay Ciidammada Qaranku gaadheen iyo Faahfaahin dheeraada

Hargeysa-(Berberanews)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidamada Qaranka ee ku sugan jiidda hore ee deegaannada Gobolka Sool iyo degmada Buuhoodle ay dhirbaaxo kulul ku dhufteen Malleeshiyada loogu yeedho Khaatumo ee taabacsan dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh oo Weerarro ku soo qaaday laba fadhiisin oo ay Ciidammadu ku sugnaayeen.

Wasiirka Gaashaandhigga Md. Cadami waxa uu sheegay in Ciidammada Qaranku difaaceen weerarrada Malleeshiyada Khaatumo oo fulinaya go’aammadii bishii koowaad ee sannadkan ka soo baxay Shir lagu qabtay degmada Taleex ee gobolka Sool oo lagaga dhawaaqay waxa loogu yeedhay Khaatumo.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay Ciidammada Qaranku iska difaaceen weerarrada lagu soo qaaday, isla markaana ay baacsadeen Malleeshiyada ku soo duushay. “Weerar baa lagu soo qaaday Ciidammadeennii joogay halkaa joogay (Jiidda Sool), weerarkaa waa laga diyaar-garoobay, Ciidammadu way caabbiyeen, waa la iskala fogaaday halkii la isku soo weeraray, meelo ka durugsan baa la isla marayaa, hordhac ma samaynayno oo si aan waxba uga soo noqon war sugan baannu ka rejaynaynaa inuu ka soo baxo saacadaha soo socda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo 12:00-kii Duhurnimo ee maanta (mardhawayd) shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa haddaa Saxaafadda tihiin maaddaama oo dadka dhagtu wada taagan tahay, waxaan idiin sheegayaa inaan kedis loogu iman Ciidammada Qaranka, iyaga oo feejigan oo diyaar ah ayaa loo yimi, difaac wanaagsan buu sameeyey, meeshii lagu dagaallamayna meel ka durugsan baa la isla marayaa, wixii dhaawac iyo dhimasho ah ee jira iyo wixii gaadiid la kala qabsaday markuu warka oo sugani soo baxo ayaannu sheegaynaa.”

“Goobaha dagaalku ka dhacay waa deegaannada Buuhoodle iyo Laascaanood, cidda dagaalka soo qaadday maaha cid cusub ee waa ciddii awalba dhufayska la isugu jiray, gaar ahaan Kooxda loogu yeedho Khaatumo oo fulinaysa go’aammadii ka soo baxay shirkii Taleex.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Dhinaca kale, wararka Berberanews ka helayso jiidda dagaalka ayaa sheegaya in Malleeshiyada dagaal-ooge Cali Khaliif Galaydh taabsan ee Khaatumo Ciidammada Qaranku ka qabsadeen afar Gaadhi oo Tigniko ah oo mid ka midi Jiib yahay iyo illaa 26 Maxbuus oo uu ku jiro Madixii Maaliyadda Malleeshiyada Khaatumo.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.