Dalka Mali oo Cuna-qabatayn Dhaqaale iyo Mid Siyaasadeed lagu soo rogay

Mali-(Berberanews)- Urur-goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, ayaa ku soo rogay Cuna-qabatayn Dhaqaale iyo mid Dimlomaasiyadeed dalka Mali, ka dib markii Ciidammo gadooday ay xukunka la wareegen toban maalmood ka hor.

Mali ayaa Xuduudaha laga xidhay Bangigii dhexe ee gobolka galbeedka Afrika-na wuxuu ka gooyay Mali xidhiidhkii uu lala lahaa.

Ciidanka Mali ee xukunka la wareegay ayaa sheegay inay soo celinayaan Dastuurka iyo hay’adaha dowladda. Hoggaamiyayaasha Galbeedka Afrika ayaa sheegay in Cuna-qabataynta ay jiri doonto illaa Dastuurka dalkaa la soo celiyo.

Ururka Galbeedka Afrika ee ECOWAS, waxay sheegeen inay diyaarinayaan Ciidan gobol oo gala waddanka Mali si ay xaaladda Mali wax uga qabtaan. Mucaaradka Tuareg, ayaa maalmihii ugu danbeeyay qabsaday Waqooyiga Mali.

Mucaaradka Tuareg ee Mali ayaa sheegay inaanay doonayn inay u gudbaan Koonfurta oo ka gudbaan Waqooyiga oo ay isku dayayaan inay ka sameeyaan Maamul dawladeed.

Mucaaradka oo doonaya madax-bannaani ayaa la wareegay shalay Timbuktu oo ah meeshii ugu danbaysay ee uu Millaterigu ku xoogganaa. Hase-yeeshee, Hoggaamiyaha Millateriga xukunka la wareegay waxa uu ku cel-celiyey oo uu ballan-qaadya inay soo celinayaan Dastuurkii waddanka iyo hay’dihii dowladda.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.