Aadan-Dhoollayare oo ka digay inay Wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u ekaadaan kuwii 1960-kii

Hargeysa-(Berberanews)- Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Urur-Siyaasadeedka RAYS Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku taageeray in wadahadal lala yeesho Soomaaliya, hase-yeeshee waxa uu ka digay in wadahadalladaasi noqdaan kuwo lagu hungoobay sidii 1960-kii markii ay labada dhinac midoobeen oo kale.

Guddoomiye Ku-xigeenka Urur-siyaasadeedka RAYS, Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare) oo maanta hadal ka jeediyey Shirweynihii koowaad ee Ururkaas oo maanta ku qabsoomay Huteelka Xaraf ee magaalada Hargeysa, isla markaana lagu doortay, Guddiga Fulinta, Golaha dhexe iyo Hoggaanka guud ee Ururkaas, kaasoo ay ka soo qaybgaleen Ergooyin ka kala socday gobollada dalka iyo Laamaha waddamada dibedda Ururka RAYS ku leeyahay.

Aadan Dhoolla-yare waxa uu ugu baaqay Xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan Boqor Cismaan Buurmadaw iyo xubnaha Masuuliyiinta ahaa ee xilka laga qaaday oo uu ku jiro Guddoomiyihii gobolka Maroodi-jeex, Agaasimihii guud ee Wasaaradda dib-u-dejinta iyo La-taliyihii Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ku eedaysan falal musuqmaasuq kuna xidhan maxkamad la’aan xabsiga dhexe ee Hargeysa, Maxkamad loo horkeeno.

“Xukuumaddu waa inay sida ugu dhakhsaha baddan maxkamada u horkeenta masuuliyiinta xidhan, iyo boqorka (Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow) oo danbiga loo haysto lagu cadeeyo ama xorriyadoodi dib loogu soo celiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Urur-siyaasadeedka RAYS Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare).  

Waxaa Shirweynahan ka qayb galay Ergooyinka iyo xubnaha ururka ka sokow, Mas’uul ka socday Guddida Diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Guurtida,Wakiilada iyo Deegaanka, Madax-dhaqameedyo iyo Marti sharaf kale.

Afhayeenka Urur-Siyaasadeedka Rays Khaliif Maxamed Warsame oo halkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhamaanba ergooyinka ka qayb qaadanaya Shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedkan iyo mas’uuliyiinta kale ee goob jooga ka ah bilowga Shirweynaha 1aad ee ururkan waxaa kale oo afhayeenku ka warbixiyay mabaa’diida uu u taagan yahay Urur siyaasadeedka rays oo ah sidii Somaliland horumar iyo barwaaqo u gaadhi lahayd waxaanu ku dheeraaday in ururka rays uu saaxada siyaasada ka qayb galinayo haweenka iyo dhalinyarada isagoo tilmaamay in urur siyaasadeedka rays uu ka dhashay doonista bulshada iyo sidii isbedel muuqda loo heli lahaa,isla markaana ay ilaalinayaan Midnimada dhuleed ee Somaliland .

Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah madax dhaqameedkii iyo marti sharaftii ka qayb galay shirweynahan oo ku adkeeyay ururada siyaasada ee Somaliland inay ilaaliyaan wax kastoo nabadgalyada qaranka saamayn ku yeelan kara isla markaana ay xoojiyaan isu soo dhawaanshaha shacbiga Somaliland ee wadda dhashay.

Shirweynahan waxaa gebogabadiisii lagu doortay Guddoomiyaha Ururka Rays Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi), halka Guddoomiye ku xigeena loo doortay Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) iyadoo Guddoomiye ku-xigeenka labaadna loo doortay Saleebaan Barkhad Qulunbe halka Xoghayaha guud ee Ururka Rays loo doortay Cabdiqaadir Xuseen Yuusuf iyo Afhayeenka ururka oo loo doortay Khaliif Maxamed Warsame. Waxaa kale oo shirweynaha lagu  ansixiyay Xeerarka urur siyaasadeedka Rays.

Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) oo gunaanadkii shirkaasi ka hadlay ayaa u mahadceliyay dhammaanba ergooyinka kala duwan ee shirweynaha 1aad ee urur siyaasadeedka Rays ka qayb galay waxaanu sheegay inuu rabitaanka Ururka uu ku shaqayn doono isagoo ilaahay ka baryay inuu ku soo asturo xilkaa culus ee loo igmaday.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.