Somaliland oo Markii ugu horreysay laga hirgeliyey Mashiinka kelyaha sifeeya

Hargeysa (Berbertanews)-  Waxa markii ugu horreysay magaalada Hargeysa ee Somaliland laga hirgeliyey Adeeg Caafimaad oo loogu talo galay inuu daboolo baahida dad ku nool dhulalka Soomaalida, iyada oo ay ka hawl-galaya dhakhaatiir Ajaanib ah.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xadhigga ka jaray adeeggan caafimaad oo ah qayb cusub oo uu yeelan doono Cisbitaalka guud ee Hargaysa kaas oo lagaga shaqayn doono mishiinka sifeeya kelyaha  kaas oo loogu talo galay inay daboosho baahida dadka ku nool Dhulalka Soomaalida.

Xafladdii xadhigga lagaga jaray oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, wasiirada wasaaradaha Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle iyo Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, gudoomiyaha hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, dhakhaatiir ka socotay wadanka isutagga Imaaraadka carabta iyo hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda caafimaadka.

Waxa hadal uu ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in mashiinka sifeeya kelyahu uu yahay adeeg caafimaad oo aynu baahi badan u qabay dalku, bulshaduna ay dhibaato badan ku qabeen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu xusay in waaxdan cusub ee Cisbitaalka guud lagu soo kordhiyay ay qayb ka tahay ballan-qaadadii ay xisbi ahaan sameeyeen xiligii ololaha doorashada, gaar ahaan ballanqaadadii dhinacyada arrimaha bulshada, sida biyaha iyo caafimaadka.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sheegay inay tahay tallaabo hore loo qaaday una baahan in la ilaashado oo loo huro dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah si uu u noqdo mid shaqeeya mustaqbalka.

Sources, Somalilandpost.net