Guddiga Diiwaangelinta oo Madal Ammaankeeda la adkeeyey ku shaaciyey Tirada Ururrada Soo Baxay iyo inta guul-darraystay

Hargeysa-(Berberanews)- Gudidda diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisaabta Qaranka Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday lixda urur siyaasadeed ee  ka soo gudbay kala shaandheyntii ururadda siyaasadda ee ka qeyb gali doona doorashadda Goleyaasha deegaanka.

Gudida diiwaan gelintu waxay  sidaasi kaga dhawaaqeen Shir jaraa’id  oo ay ku qabteen xaruntooda magaaladda Hageysa, Iyagoo daboolka ka qaadeen inay doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Sannadkan aynu ku gudo jirno  ay ka qeyb gali doonaan sadexdii xisbi qaran ee hore iyo lix urur siyaasadeed oo  buuxiyay shuruudihii xeerarka diiwaangelinta iyo kuwa doorashooyinku jidaynayeen.

Cabdale Ibraahin Maxamed oo xubin ka ah Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada ayaa madashaasi kaga dhawaaqay lixda urur siyaasadeed ee ku soo baxay kala reebista iyo isku shaandhayntooda kuwaas oo kala ah  WADANI, DALSAN,RAYS, UMMADDA, NASIYE  iyo XAQSOOR.

Waxa kale oo ay Gudidu sheegeen inay ku guuldaraysteen isla markaana  ay shuruudihii laga rabay buuxin waayeen sagaal urur siyaasadeed oo kala ah  NUUR,DAMAL,HORYAAL,NDB,BADBAADO, GURMAD, UDHIS, JAMHUURIGA iyo SSCD.

Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Axmed Ducaale “Xasan Macalin” oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inay gudidu ka baaraan degtay go’aankan iyo natiijadda ay soo saareen isla markaana ay ururadda ku qiimeeyeen sidii ay uga soo baxeen shuruudihii laga doonayay, waxa uu Afhayeenka Gudida diiwaangelintu si faahfaahsan uga waramay marxaladihii ay ururada siyaasada ee dalka ka abuurmay soo mareen .

Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macallin) waxa uu uga digay cid kastoo ka tirsan Shaqaalaha dawlada,Ciidamada,Garsoorka,Gudida Diiwaangelinta, Komiishanka Doorashooyinka Qaranka iyo ururada aan dawliga ahayni inaanay ku lug yeelan Karin arrimaha siyaasada waxaanu intaas ku daray in laga bilaabo Maanta cidii hay’adahaas ka midka ah ee ka jirta hawlo dhinaca siyaasada ah in la  laalay xubin-nimadeedii

Guddoomiyaha Gudida diiwaangelinta  ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta qaranka Md. C/Risaaq Cumar Jaamac (Ciyaale) oo ka hadlay shirkii jaraa’id ee ay ku shaaciyeen liiska ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay  ayaa sheegay inay maanta u tahay Jamhuuriyada Somaliland maalin taariikhi ah waxaanu bogaadiyay ururadda soo baxay iyo kuwa hadhay oo muujiyay sida uu xusay bisayl siyaasadeed oo dal jacayl ku dheehan yahay.

Guddoomiyaha Gudida Diiwaangelinta ururada siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranku waxa uu tilmaamay in dhamaanba ururada ku hadhay marxaladan ay u hayaan meelihii ay ku liiteen waxaanu intaas ku daray in cidii dacwad ka qabta Xukunka ay ku dhawaaqeen oo uu ku sifeeyay mid maxkamadeed ay Gudida diiwaangelintu si cad u tusi doonaan cadaymihii ay u cuskadeen Go’aankoodan.

C/risaaq Cumar Jaamac waxa uu ku adkeeyay lixda urur siyaasadeed ee ku soo baxay kala shaandhayntan iyo Sadexdii Xisbi Qaran ee hore u jiray ,ay Gudi ahaantood ku ilaalin doonaan Shuruucda dalka, isla markaana looga baahan yahay inay ka dhex muuqato dimuquraadiyad iyo hab dhaqan toosan oo u adeegaya danaha iyo maslaxada qaranka isagoo u mahadceliyay dhamaanba hay’adaha amaanka, Qaybaha Saxaafada, iyo bulshada Somaliland ee u fududaysay gudashada waajibaadka qaran ee loo igmaday .

Guddoomiyaha Gudida Diiwaangelintu Waxa kale oo uu ururadda siyaasadda ee hadhay u soo jeediyay inay  ku biiraan xisbiyadda iyo  lixda urur siyaasadeed ee soo baxay.

Waxa shirkan jaraa’id goob joog ka ahaa  todobada xubnood ee Gudidda doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo isla maantaba loo gudbiyay liiska lixda urur iyo sadexda xisbi qaran ee ku tartami doona doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee dhawaan lagu wado inay ka qabsoonto dalka ,ammaanka xarunta Gudida diiwaan gelinta ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana la geeyay Boolis aad u sugayay nabadgelyadda xarunta.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.