Gabayga 13aad “Saaka dhalay” ee Silsiladii Sallaamaley

Berberanews-(Suugaan)-Gabaygan magaciisa waxaa la yiraa: Saaka dhaley wuxuu ka mid yahay Silsiladda “Sallaamaleey” ee siinlayda ah, oo ay ka qaybqaadanayan abwaaniin badan oo Soomaliyeed, loogana maansoonayo xal u helidda dhibaatada haysata umadda Soomaaliyeed iyo sida ugu wanaagsan oo ay isu fahmi karaan labada Gobol ee Waqooyi iyo koonfor.Gabaygani wuxuu jawaab u yahay gabay uu horay u tiriyay Abwaan khadar xasan aadan (Khadar Jinni) oo uu ugu magac daray “Sasaba diid”. Gabaygiina waa sida tane ka bogasho wacan:

1.              Sideedaba murtida Waanigii, saahid ka ahaaye

2.              Anigaaba sooriyo ka bixin, sumallo waaweyne

3.              Anigaa subeeciyo u xiri, Suuman iyo Shaale

4.              Soo dhawowna anigaa ku oran, saac kastoy tahaye

5.              Saxarkana ka dhowraye anaa, saxa wanaaggeede

6.              Siinleeydan caanka ah anaan, sina u moogayne.

 

7.             Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin ma ka higaadshay

8.             Sa’dii ugu horreysiyo miyaan, surinkii waydaarshay?.

9.             Afar kalana sidey ilatihiyo, sixitinkeygii dheh

 

10.Sokeeyaha qaraabiyo intii, seeddi iyo wiil leh

11.Oo Soomaali sumaddoodu tahay, sowdna kala sheegan

12.Oo Subaca Diintiyo Sunnada, kala saluugeynin

13.Seeraha gumeystuhu dhigiyo, kii ku kala soocay

14.Walibana sinnaantiyo midnimo, saaka garaneynin

15.Soomaali iney kala ga’dana, suurka u afuufay

16.Sidaad doonto may noqonninoo, Waa sutuxantiiye

17.Sacab Tima ku yaal weeya oo, mana’ ay suurowdo

18.Si kastooy u dirirtooy dagaal, Seef isugu qaado

19.Si kastooy Suug iyo gantaal, Seyr isugu layso

20.Seere kalama dhigan jirin Marnaba, surummo waaweyne

21.Suldaan iyo Duqowdaa talada, Laga sugaa jeere

22.Sidaasuu ahaan jirey samow, Aradka soomaale

23.Saakana kamey tagin siday, Saban ahaayeene

24.Yaa Soomaali kala goynayoo, saaka dakanoobi?.

 

25.Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin maka higaadshay

26.Sa’dii aan  ka qadiyo miyaan, surinkii wadaarshay.

27.Afar kale Sallaamaleey-dan[1] iyo, Siinka kii curiyay[2]

 

28.Salaama la yeelyow walaal,  surinka aad jiirtay  

29.Soomaali iney kala tagtiyo, seera kala goyska

30.Sinji qura Inaan wada nihiyo, sowraciyo dhiigga

31.Saba qura inaan wada dagniyo, soohdin kaligeeda

32.So’ Sagaaro siko may laheyn, sarakac mooyaane!

33.Soo dhaweyn gobeed iyo, haddaad sooryo iga dooni

34.Horta yaa la siin saamiyow, sow hal qura miihin?

35.Sabadaa Hargeysiyo dalkiyo, Suuqa Xamar weyne

36.Soonaha Caseyriyo ilaa, sabada Kaanbooni

37.Sow kaaga maahuun dhulkaad, kala suntaysaahi?

38.Saliid iyo haddii ay dhextaal, subagga ceyriinka

39.Ama suluf  abaar uu yahoo, saantu gubaneyso

40.Ama uu Sareediyo nimciyo, dahabku seerdhaafo

41.Saracuna baxuu howra uu, suuq kastaba yaallo

42.Si kastuu ahaadaba adigu, saaka yaad dhaafsan?.

 

43.Afartaa saleeyaye Ragyahow, siin maka higaadshay

44.Sa’dii aan  ka qadiyo miyaan, surinkii wadaarshay.

45.Afar kalana sadar aan rabiyo, Iga su’aaluun dhe

 

46.Sida uu “Jinni”ba [3] rabey, hadduu sadar ku soo sheegay

47.Si kalaa gadaasheeda taal, sina aan loo seegin

48.Soomaalinima iyo wanaag, sina aan loo seegin

49.Saaxib iyo qaraabaa agtaal, sina aan loo seegin

50.Sahankaagu yuu noqon walaal, soofka Dabagaalle!

51.Sadaashu waa khayr walaal, sama jecylkeede

52.Soomaliyana waa miduun, saban kastooy gaadho

53.kii “Saaka dhaley” [4] uun ka noqo, taa nawada saaqdey. 

Waxaa Tîrisay

Farxiya Xuseen Cumar

Qeex iyo qodob bixin:

1-    “Sallaamaleey” magaca Silsiladdan.

2-    Waa Abwaanka billaabay Silsiladda ee Xasan Abiib  Faarax(Xasandaaci)

3-    “Jinni”: Waan Naynaasta Abwaan: Khadar Hassan Aden (Khadar Jini) oo lahaa gabaygii Gaabygii: “Sasabo diid” ahaana gabaygii sagaalaad, ee Silsiladda “Sallaamaleey”

4-    “Saaka dhaley”  Waa magaca Gabaygan(waxay la macne tahay  Xalay  dhalay oo  saamaxaad iyo is cafis )

FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad  kala xidhiidhi kartaa  magacyadan hoos ku qoran:

1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaacidaaci77@hotmail.com

2. Bashir  M. Hersi                          brdiraac@hotmail.com

3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr           galayr1977@hotmail.com