Maxkamadda G/Hargeysa oo uu ka socdo Dhagaysiga Dacwadda Masuuliyiintii Musuqmaasuqa ku eedaysnaa iyo Ciidammo Maxkamadaha la dhoobay

Hargeysa-(Berberanews)- Fadhigii saddexaad ee dhagaysiga dacwadda Masuuliyiintii xlka ku waayey eedaha Musuqmaasuq, ayaa maanta ka bilaabantay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa), waxaana Maxkamadda iyo inta ku dhaw la soo dhoobay Ciidammo Boolis ah oo aad u tiro badan, kuwaasoo dadka iyo gaadiidka ka celinaya jidadka Maxkamadaha gala.

Ciidammada la soo dhoobay Maxkamadaha iyo inta u dhaw, ayaa ku hubaysan qoryaha fudud ee kala duwan iyo gaadiidka gaashaaman ee Booliska. Weriyeyaasha ayaan loo oggolaan inay ka agdhawaadaan Maxkamadda gobolka Hargeysa ee fadhiga saddexaad ee dhagaysiga dacwadda kiiska loo haysto xubnahan uu ka socdo.

Xubnaha dacwaddooda la dhagaysanayo qaybtii saddexaad maanta ayaa isugu jira Guddoomiyihii hore ee gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji), Agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Axmed Cilmi Dirir iyo La-taliyihii Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cismaan Siciid Jaamac iyo sidoo kale, laba qof oo ganacsadayaal ah oo kiiska musuqmaasuqu galay.

Musuqmaasuqa xubnahan lagu eedeeyey ayaa la xidhiidha raashin caawimo ahaa oo ay dawladda Cuman ugu deeqday dadka danyarta iyo barakacayaasha ah ee ku dhaqan Somaliland,iyaga oo xubnahan lagu eedeeyey inay musuqeen qaybo ka mid ah raashinkii loogu talagalay Hargeysa oo ah meelaha ay barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee ugu badani deggan yihiin ama ku dhaqan yihiin.

Fadhiga Maxkamadda ee maanta ayaa la sheegay inuu socon doono wakhti kii hore ka badan oo illaa kawda maalinnimo ah. Wixii warar ah ee ka soo baxa fadhiga Maxkamadda ee maanta kala soco Berberanews.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.