Dhagaysiga Dacwadda Askari Hal Doollar ku dilay Askari kale oo ka bilaabantay Maxkamadda

Kampala-(Berberanews)-  Maxkamadda Ciidammada dawladda Uganda ee magaalada Kambala ayaa Maxkamadanaysa Askari ka tirsan ciidamada dawladda Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, ka dib markii uu Askari kale oo ay isku ciidan ahaayeen, isla markaana la sheegay inay si gaar ah Saaxiib u ahaayeen ku dilay Muqdisho, kaasoo sababta uu u dilay lagu sheegay hal Doollar (1 Dolar of USA) oo dhex-maray.

Stephen Katwesigye oo ah askariga Maxkamadeyntiisu ka billaabatay Kamapla ayaa wuxuu dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray, Erias Mungyera, ka dib markii ay ku murmeen lacag hal Doollar qaddarkeedu ku ekaa.

Mr. Katwesigye oo da’diisu tahay 30 sano jir iyo Askariga uu dilay ayaa waxay kuwada sugnaayeen Wershaddda Baastada degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, halkaasoo Saldhig u ah Ciidammada Uganda ee howlgalka nabad-ilaadlinta u jooga Soomaaliya oo ka tirsan Ciidammada Midawga Afrika Soomaaliya ka jooga ee AMISOM, iyadoo Askariga la dilay uu ka mid ahaa qaybta Injinneerrada ee Ciidamada dawladda Uganda ee Muqdisho.

Askarigan oo lasoo taagay Salaasadii toddobaadkan Maxkamad ku taalla Kampala ayaa waxa lagu eedeeyay inuu sidoo kale xaday qalab ciidan oo lagu aamminay, laakiin-se Askarigan eedeysanaha ah ayaa ku dooday inaanay waxba ka jirin dhammaan eedeymaha loosoo jeediyay.

Maxkamadda ayaa laga sheegay inuu Katwesigye dilay saaxiibkii Mungyera, kaasoo Maxkamadda laga hor sheegay inuu u isticmaalay Qori AK-47 ah 16-kii bishii Feberaayo ee sannadkan 2012-ka, ka dib markii ay isku qabteen hal Doollar oo Xisaab ahaan uga dhexeeyey labadooda.

Garsooraha Maxkamadda, Charles Angina ayaa dib u dhigay dacwadda illaa shanta bisha Juun ee sannadkan, laakiin Kabtan Fred Kangwamu oo ah Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda ayaa dalbaday in dib u dhigista Maxkamadda la dheereeyo si dacwadda loogu helo markhaartiyaal ku filan, iyadoo falkani uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ciidamada Uganda ku dhexmara magaalada Muqdisho ee Soomaaliya oo ay dhawrkii sano ee u dambeeyey ku sugnaayeen iyaga oo qayb ka ah Ciidammada nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.