Gabaygan wuxuu ka mid yahay Silsilad gabayo ah oo ay tiriyeen dhalinyaro soomalaiyeed taas oo ujeedada ka danbaysaahi tahay in la furo miis wada hadal oo ay dhalinyaradu isku dhaafsato aaraa’dooda ugana doodaan hadba sida ay ugu muuqato iyaga in xalka lagu gaarayo.Gabaygaygan waxaa la yiraahdaa “Sinaan iyoMidnimo”, waxaanan ku cabirayaa aragtidayda ku aadan in uusan xalku ka sokeyn annaga oo is cafina gacmaha is qabsana markalana si cadaalad iyo sinaan ku dheehan tahay wax u wadaagno.Waxaan kale oo qaybo kamid ah gabaygaygan ku tilmaamayaa in dhibaatada loo gaystay walaalaha waqooyi aanay shacabka soomaaliyeed mas’uul ka ahayn laakiin ay masuuliyadu saarnayd dowlad loo wada dhan yahay oo ay ka mid ahaayeen cid walba.
Gabaygii Sinnaan iyo Midnimo
1. Sa’da gabay baryahan waanigaan , Saa’id ku ahayne
2. Sadrigayga waa taan ka jaray , Sannadyo dheeraade
3. Waxaan maanso isa saari jiray ,Saa Umaan dayine
4. Saakaan sallaamaley(1) ka helay, Saxaafaddeeniiye
5. Subaxaan aqriyay saamaxiyo(2), Saara calankeenna(3)
6. Kolkaasaan samaha kama haree ,Sengihi kooreystey
7. Kolkaasaan sadkii aan lahaa ,Doonay sulixiiye
8. Kolhadii sokeeyihi is nacay ,Isa salaamaayo
9. Maantay sax ii tahay inaan, Gabay sameeyaaye
10. Safka ii banneeyoo murtida ,saaxib iga hooya.
11. Soddon tiro Sagaal laga jaruu, Saaka xaal yahaye
12. Adna kuuma sama xaaja oo ,waadigaan sigane
13. Anna silic ku nool baan ahoo, waan ku sugayaaye
14. Waxse aad adigu weli siddaa ,seero gaal dhigaye
15. Anniguna sidii baan gacmaha ,kugu salaamaaye
16. Kala saar wixii Ina siyaad ,nagu samaynaayay
17. Iyo waxa ilaah suubbiyoon ,abidba kaa seyrmin
18. Hadii adiga saaruukh la riday ,sabiyo kaalaayay
19. Anba suugagii ololayay ,igu salaameene
20. Su’ashaydu waxay tahay ,hadaad igu saluugaynin
21. Kuwii samata baxay sow ma`aha , sare inaan gayno ?
22. Sa’da kale waxaan iri murtida , nabadda sowdkeeda
23. Samihiyo midnimadii wixii, lagu samayn waayey
24. Annagoo saf qura Xaajadii ,innaga seeroowdey
25. Sugi maysid maantana inaad, sahal ku gaadhaaye
26. Maysa saamaxnaa uun markale, saafi waa malabe ?
27. Waxba hadalku yuu ila siqine ,waxan ku soo seeray
28. Saamiga ilaah baa baxshee ,wixii sadkaagii ah
29. Sinnaan iyo midnimo waa inaad , Ugu socdaashaa dhe.
30. Saaruukha miggii sidee ,samada Xiimaayey
31. Iyo saanadduu siday wataan ,seejay hadafkiiye
32. Saxariir haloo dilo kolkii , suulka lagu duugay
33. Waanigii sokeeyaha ma dilo, sawdka ku cadeeyey
34. Maantana sidiiyoo kaalaan, kuula socodsiine
35. Siiriga qiyaamaha intii, laga samaacaayo
36. Intii aniga iil laygu simi, waanku sugayaaye
37. Samadaan intaa eegayaa, saatirkaan barine
38. Safki inuu mideeyaan markale, soon u galayaaye
39. Soomaaliweyn waxan ahayn, layga sugi maayo!
Waxaa Tiriyey
Abdiaziiz ahmed Mohamed Xoogsade
Sharaxa Eryada
(1) Gagaygii Kowaad ee Silsilada
(2) Saamax Gabaygii labaad ee Silsilada
(3)Saara Calankeena Gabaygii Shanaad ee Silsilada
FG: Haddii aad doonayso inaad ka qaybqaadato Silsiladdan suugaaneedee Siinleeyda ah ee “Sallaamaley” haddii ay jiraan talo, tusaale iyo toosin, waxaad kala xidhiidhi kartaa magacyadan hoos ku qoran:
1.Xasan Faarax Abiib (Xasandaaci) daaci77@hotmail.com
2. Bashir M. Hersi brdiraac@hotmail.com
3.Cabdiraxiin Hilowle Galayr galayr1977@hotmail.com