“UDUB Waxa Hogaamin Kara Wajiyo Cusub Oo Shacbigu U Soo Istaagaan, Rayaale Iyo Xulafadiisu Ummada Wax Kalsooni Ah Uma Hayaan..” Guddoomiye-xigeenka UDUB

Somaliland-(Berberanews)-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin,  ayaa eedo culus u jeediyey Guddoomiyaha Xisbigaas Daahir Rayaale Kaahin, kaas oo uu ku eedeeyey inuu bur-burinayo Xisbiga ugu taariikhda dheer axsaabta Somaliland.

Axmed Yuusuf waxa uu sheegay sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Daahir Rayaale iyo Garabka uu hoggaamiyo u gudbiyey Maxkamadda, waxaanu tilmaamay in bulshadda reer Somaliland aanay dooran doonin xisbiga UDUB hadii la waayo waji cusub oo bulshadu u soo istaagto, kaas oo ku dooday in bulshadu ka daashay Daahir Rayaale iyo Xulufadiisa.

 Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin oo hoggaamiya Garab ka mid ah labada garab ee Xisbigaasi u kala qaybsamay ayaa sheegay in Madaxweynihii hore oo wakhtigan ah Guddoomiyaha UDUB, Daahir Rayaale Kaahin in sharciyaddii Guddoomiye-nimo ee Xisbigaasi dhamaatay.

Axmed Yuusuf Yaasin ayaa sidaasi ku sheegay mar uu u waramay HCTV, kaas oo intaas ku daray inuu Maxkamadda u gudbiyey Dacwad ka dhan Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Mr Rayaale, ugu horayna isaga oo ka hadlaya dacwada uu Maxkamada u gudbiyey, waxa uu yidhi

“Waxaan Maxkamadda u gudbiyey Dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigiisii dhammaaday”.

 Axmed Yuusuf Yaasiin isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Xisbiga UDUB waxa hogaamin kara Wajiyo cusub oo shacbigu u soo istaagaan, laakiin-se Daahir Rayaale iyo Xulafadiisu ummada reer Somaliland wax Kalsooni ah uma hayaan, waxaanu Daahir Rayaale Kaahin ku hawlan yahay Burburinta Xisbiga UDUB dhexdiisa”.

Berberanews.com

info@berberanews.com