MAANTANA DIRRAY MAAX KA DEYEYAAN

Wuxu yidhi ninkii gabyey:

 

“Dar uu miriray maankiyo qalbigu Moharaddii nuurku

Maandhow qur’aanbaan u marin magane waa yaabe

Adoo miim macnaha uga waduu gidaar madax saaraaye

Allaa maaligay muran ka keenaane.”

 

Muddo kow iyo labaatan sannadood ah ayaa ka soo wareegtay markuu dalka la isku odhan jiray Soomaaliya haligmay. Burburkii ku habsaday dalkaa Soomaaliya la odhan jirey ka dib dadka reer Somaliland waxay bulshada caalamka u gudbiyeen Bishii May 18, 1991 war murteed ay ku caddeeyeen in ay dib ula noqdoon lahaanshihii qarannimadoodii iyo madaxbannaanidoodii ay heleen Bishii June 26, 1960 iyaga oo ka duulaya sharciyada iyo qawaaniinta dunidfa laga dhaqmo. Isla kow iyo labaatanka sannadood waxa la sameeyey cilmi baadhis tiro badan iyo faalooyin ku saabsan sharciyadda ay ku qotonto in Somaliland xaq u leedahay qarannimo ay kaga mid noqoto beesha caalamka isla markaana aanay ka horimanayn shuruudaha lagu xujeeyo aqoonsi dal. Xaqiiqada jirtaana waxa weeye in caalamku hore Somaliland u aqoonsaday iyadoonay jirin wax “Jamhuuriyad Soomaaliyeed” la yidhaa haba yaraate.

 

Shaadkan Jamhuuriyadda Soomaaliyeed waxa iska leh Somaliland, Soomaali konfureed mid ay iyadu gaar u leedahay ma jiro e kii Somaliland ayey muddo kow iyo sodon sannadood ku dhow ergisey u gashanayd; markuu ninkii huga lahaa maradiisa ka xayuubiyeyna waataa Soomaali konfureed meehanaabaysa ee sidii ninkii bugaanka ahaa boqol u talida noqotay. Maaweelo iyo mededaalo waxa walaaleheen reer konfureed u noqotay “MIDNIMADA SOOMAALIYEED WAA MUQADAS” oo ah weedho liddi ku ah diinta suuban ee Islaamka, sababtoo ah shayga keli ah ee muqadas lagu tilmaamay lana bedel karini waa Qur’aanka Kariimka. Aadama ha yidhaa midnimo Soomaaliyeed ayaa muqadas ah kaafir baadiyaysan.

 

Somaliland ayaa hormood ka ahayd in la mideeyo qowmiyadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika ku dhaqan ee gumeystuhu kala qeybiyey. Arrintaasi iyo sheekadeediiba madhalays ayey noqdeen uu sidii loogu hungoobay weynu ka warqabnaa oo maanta tafaasiil dheeraad ah inoogama baahna: Waxa u horeysey DJibouti oo maanta waa dal madaxbannaan, midnimo shan Soomaaliyeedna ma hadal hayaan; intii Kililka Shanaad ee Itoobiya ku noolaydna maamul hoosaad ay u madaxbannaanyihiin ayey haystaan iyadoo weliba distoorka Itobiya jideynayo in qowmiyaddii rabtaa go’i karto; Gobolkii Waqooyi Bari ee dalka Kiiniya Soomaalidii ku noolayd waxay doorbideen in ay dowladda Kiiniya wax la qaybsadaan halkoodana ku negaadaan mar haddii la waayey hummaagii shantoo isweheshaday!

 

Walaaleheen reer bani Muqadas wasxan odhan lahaa dhallaan habaabistaa soo hiraysa ayaa harraadka iyo surmiyiga idin haya labadaba idinka demindoontee durdurada haka daalin abidkiin. Maalin dhoweyd mid aad moodo in aanu geeridii nebi Muxamed (Sallalaahu calayhi wasalam) ogeyn oo lagu magacaabu Ina Xoosh oo idaacad laga wareysanayey ayaa wariyihii sua’aalay ergooyinka Somaliland ee distoorka la dhaqan gelinaya inta ay tiradooda iyo magacyadoodu yihiin; waxanu ku jawaabay, “Haddee liistadii magacyadu ima hortaalo, waxase kuu sheegahayaa in intii hadhsanaydna soo qulqulayso!!” Kuwa uu xilka u hayana maxaad u malayn sow xaalkoodu ma aha: ” Subaxaan al-alidii khalaqa al bahiimata wal bashar.”

 

waxa intabase ka sii meeqaam hooseeya kuwan madax dhaqmeedka isku sheegaya ee reer Somaliland ee garbaduubka looga hayo shirka beelaha koonfureed uga socda Xamar. Iyagana waxa lagu sifayn: “Noole mootan oo inta qubuuraha ku duugani ka karaamo roontahay.”

 

Nin dadkii hore ahaa ayaa laga hayaa: “Wallee haddan karinkaa laga guurin gorayo heeryeysan ayaa inagaga soo bixi; maalintii dambe ayaa gorayadii oo qoorta ku sidata karbaash hilinkii ka soo mudh tidhi..” Waxan uga socdaa irrid labaatan sannadood quful ku xidhnaa ayaa xukuumadda Somaliland afartii ferdadoodba mar keli ah ballaqda iyada oo lagu andacoonayo fursad aan hore u jirin ayaa maanta Somaliland heysataa; shirka London ha laga qeyb galo; laga qeybgelye maxaa faa’iido ah ee laga helay? Waxa keli ah ee laga korodhsaday intii marka horeba ka soo horjeeday qarannimada iyo jiritaanka Somaliland oo ad moodo in xabsi laga sii daayey; durba fadal dheertii maratoonku waa kuwa istaadyo Circolo Centro Sportivo iska xaadiriyey.

 

Haddiise markii dabarka laga furayey sharicigii xakamaynayey, xukuumaddu waxay u martay Goleyaasha sharci dejinta ee ummaddu u igmatay hawlahaas, maxay hadda xukuumaddu hadba ula shiraysaa madax dhaqmeedka dalka markay arrintani soo foodsaartay? Madax dhaqmeedka dalku hay’ad sharci dejineed oo distoori ah ma aha sabab loo hawl geliyaan ma jirto e’ waa maxay qiiq isku qariskani? Waa xaajo la majara habaabinayo oo anshaxii iyo hab dhaqankii dowladnimoba ka baxsan; sheekadu ma siday bes uga tahay mise wax mise messha ammuuro kale ayaa ka hig leh?

 

Shirkii London intii uu socday wax aynu warbaahinta ku arkeynay in xukuumadda Somaliland codsi ay kaga qeyb gasho shirka Soomaalida loogu qabano dalka Turkiga u gudbisey dowladda shirka qaban qaabinaysa. Hadda xukuumadda Somaliland waxa ka soo yeedhaya in laga noqday ka qeybgalka shirka Istanbuul. Sida la ogsoony ahay markii dowladda Ingriisku ku dhawaaqday shirkii London, xukuumadda Somaliland wey ku qacansaydhay; markii wufuud farabadan dalka galaabixiyeen, go’aankaasi wuu dhicisoobay. Maantana marka dhow wefti oo Turki Jumhuuriyet ka socdaa sidii caadada ahayd dalka yimaadaan, marlabaad ma laga yaaba  xukuumadda Somaliland in ay tidhaa IGAMA QUDHUNTOW, IGA GUBATOW?

 

Waxa kaloo intaa dheer ceelalyadii shirkii Embagathi waatan loo magacaabay danjiraha xarunta laga maamulo dalkii la odhan jirey Soomaaliya; wallee waxan maalinba mid aan loo fadhiyin ummadda lagu soo dhextuurayo fari kama qodhnee, waxan u malayn in maalin dhowna la arki innagoo ciddi dalkan lagu aaminay raad goobayna.

 

Isku soo wada xooriyoo hadda waxa inagu soo foolaya mawjado siyaasadeed oo u baahan in lagaga hortago qorshe iyo xeel dhidibo adag ku taagan oon hadba sida gabal dayaha dhanka qoraxdu jirto u janjeedhsan. Geedu hadda halka ay maraysaa waa ciirciir iyo…..? Shirka Turkigu qabqaabinayo meel Somaliland uga bannaani majirto, ka qeybgalkiisuna wax innoga soo kordhayaa haba yaraate ma jiro. Sida awgeedna u hanqaltaagiisu wuxu durayaa karaamada, sharafta, iyo milgaha dowladnimo,  waxa kale oo uu meel ka dhac ku yahay jiritaankeena ummad ahaaneed. Shirkii London hadday bulshada caalamku ku baaqday in ay wada hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxa arrintaa  jidgooyo u dhigay wadaad Shariif oo ilaa hadda farogelin badheedh ah ku haya qarannimada Somaliland. Hore wuxu u sheegay in uu aqoonsaday qowlaysatadii Taleex. Markuu horjoogaha Budhcad badeeda Majeerteniya u hanjebayna waa kan ergadii wadahadalka uga qeygelilahayd ku soo darsaday dad ka soo jeeda Somaliland. Haddana waxa uu u gacan haadinayaa madax dhaqmeed dhuuni raac ah oo Somaliland ku abtirsada. Sidan marka xaalku yahay

mooryaankan wadaad Shariif hor boodayaa ma yihiin kuwo wada hadal lala yeesho? Bushada Caalamku xaq inooghuma laha in ay inagu xujayso dal aan jirin ka raadsada qarannimadiina; sababtuna waa arrin toos uga hor imanaysa waaqicii iyo sooyaalkii taariikheed, sharciyeed, iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Soomaali koonfureed hadday ka kori weydey in ay qori dableh hadba dhinac inaga qabadsiiyaan, sida aynu ula dhaqmayno waa in wax weyn laga bedelaa iyaguna maangadahaa abaarta ah iyo diiridaa maax ha ka dayaan.

Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse

May 9, 2012.