Gabaygan oo ka hadlaya 18-MAY waxa curisay Koos Jaamac Dhunkaal oo inta badan bulshada u soo bandhigta ama dareensiisa waxa jira ee wakhti kasta ummaddu tebayso ee ay u dheg taagayaan, maantana waxay Bulsho weynta Reer Somaliland gudo iyo debedba u soo bandhigaysaa Gabay la magac baxay.
“Magow” oo ay ugu talo gashay Xuska sannad guurada 21-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland madax-bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya. Waxay tidhi:
Miinlayda Gabay waanigii Maaxin jiraye
Waa taan sidii mayeyga roob maayada ahaaye
Maantana masaladaan rabaan idin magowsiine
Dadow maqal Murtidu waa qalbiga muhashadiisiiye
18-May Waa Dharaar noo markhaatiyehe
Waa maalintaan goosaniyo Madashii weynaydee
Calankeenan Midabada leh iyo Magaca Tawxiidka
Waa maalintay Uumiyuhu meel fog ka arkeene
Mudane iyo Marwaba waa dharaar maalka loo huraye
Munaasibadan qaaliga ah ee magaca weyn reebtay
Maamuuska ay leedahay ayuu shacabku muujinayaaye
Madaxweyne-yaal Deris ah iyo Mudane Saaxiib ah
Waa yoom Murtida inagu dhaw lagu macsuumaaye
Waa yoom Midnimadeena iyo Cudud la muujaaye
Waa yoom makhluuq inna necbaa mooral kii jabaye
Maamuus dalkeenaa leh iyo madaxda loo doortay
Muslin iyo maseexiba Halqigu wayna mahadsheene
Musuq-maasaq meel aan lahayn maalna lagu booobin
Oon maganta joogtaa ka bixin muruq in loo sheegto
Somaliland baa u mudan uguna muuqdheere
Malkada aynu nooliyo Dawladaha inagu soo meersan
Masalooyin fiican baynu u nahay iyo midaad ku dayataane
Madax-doorashada laga heloo muran la’aan Dhiibtay
Masuulkii la doortiyo Bulshada Marinka qaadsiiyey
Midigtaan is wada haysanaa Mahad illaahaye
Mansha allaa Qarankaygii Maabkii (MAP) ku hagaagye
Koos Jaamac Dhunkaal