Berbera-(BRN)-Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay in isbedel weyni ku yimi heerka waxbarashada Gobolka Saaxil oo ka hooseeyay gobollada kale ee dalka.
Guddoomiye Daa’uud waxa uu hoosta ka xariiqay in isbedel la taaban karaa ka muuqdo waxbarashada gobolka Saaxil, islamarkaana uu ku raki-weynyahay sanad-dugsiyeedka 2011-2012 in ardayda Gobolka Saaxil ay kaalmo sar sare ka geli doonaan natiijada imtixaannaadka.
Guddoomiyaha imtixaannaadka Qaranku waxa uu sidaa ku sheegay kormeer shaqo oo ay ku weheliyeen Wasiirka Wabrashada Somaliland Sam Sam Cabdi Aadan iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda waxbarashada oo ay maanta ugu kuurgaleen xaaladda waxbarasho iyo duruuf ee dugsiyada gobolka Saaxil, ayaa magaalada Berbera saxaafadda xogwaran ka siiyay nuxurka safarkooda, isagoo arrimahaas ka hadlaya Guddoomiyuhu waxa uu yidhi, “Waxaanu kormeer shaqo ku nimi Berbera aniga iyo Wasiirka waxbarshada Marwo Samzam, iyo saraakiil kale oo wasaarada ah, waxaanu soo kormeernay dhamaan Dugsiyada Berbera anaga oo kulanana la qaadanay ardayda iy maamulka iyo macaliminta, runtii waxaan doonayaa in aan halkan ka sheego in sanadka Berbera waxbarshadeedii wax weyni iska bedeleen, oo dhamaan Dugsiyadii aanu soo marnay ay dhamaystireen Manhajkii wasaarada diyaargarowna ay ku jiraan, waxaan leeyahay waxad muujiseen dadaal badan idinka oo jooga magaalo xeebed, waxaan rajaynayaa in ay sanadkan Berberi guul wax ku ool ah ka gaadhi doonto Imtixaanka Shahaadiga ah, dadaalka ay ku jiraan awgeed, waxa kale oo aan halkan amaan balaadhan uga soo jeedinayaa Gudoomiyaha waxbarashada gobolka oo muujiyey horumar balaadhan oo la tabaan karo oo dhinaca waxbarshada ah, aad ayaan u hanbalyeynayaa Maamulka gobolka, waalidiinta iyo Bulshada qaybaheeda kala duwana waxaan u soo jeedinayaa in ay la shaqeeyeen Gudoomiyaha si tayada waxbarashadu meel fiican u gaadho”.ayuu yidhi Guddoomiye Daa’uud.
Wasiirka wasaarada Waxbarshada Somaliland Marwo Samzam Cabdi Aadan iyo Wefti ka socda Wasaarada Waxbarshada oo ay weheliyiin Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Wasaarada Waxbarashada oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, Iyo waliba Maamulka Gobolka Saaxil oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Md Maxmamuud Cali Saleebaan ( Ramaax), ayaa waxa ay saaka kormeero kal duwanku soo mareen Dugsiyada hoose, Dhexe iyo Sare ee magaalada Berbera, kuwaas oo inta badan Dugsiyadaas ay kormeerayeen Fasal fasal u galay, isla markaana ardaydii iyo macalimiintaba ka dhagaysay waxna ka waydiiyey habka ay waxbarshadu u socoto iyo hadii ay jiraan wax caqabado ah oo hortagaan.
Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahin Digaale Maxamuud oo isna la hadlayey warbaahinta, ayaa ka hadlay xaaladda waxbarasho ee gobolka Saaxil “Runtii kormeerkani anaga faa’iido ayuu noo yahay waayo anaga oo sanadkan guud ahaan waxbarshada gobolka is leh waad dadaashen hadana marka lagu kormeero ayaad ogaanaysaa in wixii aad qabatay ay sax yihiin ama sidii aad mooodaysay ay tahay, runtii manta dugsiyadii la soo maray oo dhan waxa u dhamaatay Manhajkii taas oo awal dhici jirtay in iyada oo aan la dhamayn uu imtixaanku ka soo gaadho, taasi waa guul waxa kale oo iyana jirta in ay waxbarshadii markii uu isbedel tayo ku yimi ay Dugsiyadii wada buuxsameen oo Beri hadii Alle Idmo ay Wasiiradu dhismayaal Cusubna dhagax dhigi doonta qaarna ay xadhiga ka jari doonto, markaa waxaan doonayaa in aan halkan uga faa’iidaysto Waalidka iyo Bulshadaba, waalidka waxaan leeyahay waalidow ubudkiina ka war haya oo la socda, bulshadana waxaan leeyahyay ha noqdeen Qurba jog ha noqdeen Ganacsato ama ciidii kaleba, waxaan leeyahay oo aan mar labaad iyo saddexxadba ku celinayaa ma hayno doorkiinii, waxa laydinka baahanyahay Talo, waxa laydinka baahanyahay waxtar dhinaca Dhismayasha Dugsiyada, waxa laydinka baahanyahay waxtar dhinaca dhaqaalaha ah gaar ahaan manta waxaan la hadlayaa Qurba jooga waxaanaan leeyahay ka warhaya waxbarshada gobolka oo waxa jira arday aan awoodin bug iyo qalin haysan oo ka badan waxii aanu Xukuumad ahaan qaban lahayn
Berberanews,Berbera