Kumannaan reer Somaliland ah oo saaka isugu soo baxay magaalooyinka dalka

Hargeysa-(Berberanews)- Magaalooyinka waaweyn ee dalka Jamhuuriyaddda Somaliland, ayaa maanta looga dabbaal-degayaa xuska 21-guurada ka soo wareegtay markii magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer lagaga dhawaaqay inay Somaliland gooni uga goday dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya 18 May 1991-kii, taasoo sannad kasta Somaliland laga xuso.

Diyaar-garawga xuska 18 May oo maalmihii u dambeeyey dalka iyo dibeddiisaba si weyn uga socday, ayaa maanta soo gaadhay in si nabadgelyo ah dadweynuhu isugu soo baxaan.

Kumannaan qof oo ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa buux-dhaafiyey fagaaraha Beerta Xorriyadda ee magaalada Hargeysa oo uu goor-dhaw ka qudbadayn doono Madaxeynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dadka ayaa qaarkood ku labbisan yihiin calanka Somaliland ee saddexda midab ee caddaanka cagaarka iyo casaanka kooban, halka qaarkood koofiyado ka samaysteen rag iy dumar, qaar kor u lulayaan, halka kuwo kalena wejiyadooda ku soo xardheen.

Magaalooyinka waawayn ee Berbera, Burco, Boorama Ceerigaabo iyo Laas-caanood, ayaa sidan oo kale looga xusayaa 18-ka May.

Guud ahaanba ammaanka dalka Somaliland ayaa ciidammada Booliska iyo Millaterigu si weyn u adkeeyeen, fagaaraha Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ayey ku sugan yihiin ciidammada ugu badani Hargeysa maaddaama oo ay Madaxda dawladda oo Madaxweynuhu ugu horreeyaa ka qaybgalayaan. Inkasta oo ay goob kasta oo magaalada ka mid ah Ciidammada ammaanku ku sugan yihiin.

Xuska 18-ka May sida uu magaalo kasta uga dhaco iyo hadallada ay masuuliyiinta dalwladdu ka jeediyaan kala soco Berberanews.

Berberananews.com

Hargeysa/Somaliland.