Nuxurka Kulan Madaxwayne Siilaanyo la yeeshay Maayaradda Somaliland


 

Hargeysa(Berberanews)-Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca Nabad-gelyada iyo caddaalada.

MadaxweynahaJamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay 7-da Maayer ee Magaalooyinkaay darajadoodu tahay A-da.
Kulankanoo daba socday kulan u Madaxweynuhu hore ula yeeshay Badhasaabada Dalka 05/06/2012.
waxa uu Madaxweynuhu maayerada ka dhegaystay warbixin la xidhiidha hawlaha ayqaranka u hayaan iyo xidhiidhka wada shaqaynayd ee Hay’adaha Dawladda.
Warbixintaadheer waxay Maayiradu kaga warameen wax-qabadkooda labadii sanno ee ugudambeeyey oo ay sheegeen inuu aad iyo aad uga badan yahay Sannadihii kahoreeyey waxaanay taa ku amaaneen Xukuumada Cusub ee uu hogaaminaayo MadaxweyneAxmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay sheegeen in ay ka helaan Gacan qabashou suurto gelisay dedaalka ay sameeyeen.
Maayeradu waxay soo jeediyeen talooyin badan oo wax ku ool ah gaar ahaana khuseeya dhinaca nabad-gelyada iyo cadaalada.
Gebegabadii Warbixintaa ka dib Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa maayerada uga mahad-celiyey talooyinka ay soo jeediyeen iyo wax-qabadkoodaba.
Waxaanu kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda isla markaana ay indhogaara ku hayaan nabad-gelyada iyo caddaalada oo uu sheegay inay yihiin Aas-aaskaNolosha iyo Dawladnimadaba.
Berberanews.com
Hargeysa/Somaliland
ALLAA MAHAD LEH
CabdillaahiMaxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.