Md. Siciid Cilmi Rooble oo Wasiirka Daakhiliga ku Eedeeyey Inuu Majarahabaabiyey Kiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa

Hargeysa (Berberanews)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca Golaha Wakiillada Somaliland Md. Siciid Cilmi Rooble, ayaa Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur) ku eedeeyey inuu marin-habaabiyey eedaha falkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo hadda lagu dawaynayo cusbitaal ku yaal Jabuuti.

Md. Siciid Cilmi Rooble waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Guduhu saacado yar kadib weerarkii lagu dhaawacay Guddoomiyaha Maxkamadda uu si cad ugu eedeeyo falkaasi inay ka dambaysay beel ka mid ah beelaha Somaliland, iyadoo aan laba bilaabin wax baadhitaan ah, taasina colaad iyo isku dhac beeleed horseedi gaadhay.

Sidaana waxa uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ku sheegay qoraal uu caawa nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Berberanews kaas oo uu kaga jawaabayo eedaymo uu hore ugu jeediyey Wasiir Duur, isla markaana uu ku garnaqsanayo, waxaannu isagoo dhammaystiran u dhignaa sidan;

“Marka hore waxaan cambaaraynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisada ahaa ee lagula kacay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa, waxaannan ka rajaynayaa hay’adaha ku shaqada leh inay dabagalaan, gacmo bir ahna ku soo qabtaan dambiilayaasha, caddaaladdana la horkeeno, waxaannan Eebe ka baryayaa inuu dhakhso daaha uga qaado ciddii falkaa gaysatay.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay oo fejiciso umadda ku noqotay in Wasiirka Arrimaha Guduhu uu baahintiisii ugu horreysaba saacado kooban kadib markii falku dhacay, iyadoo aanay baadhistiiba weli bilaabmin uu furta ku fiiqay beel dhan oo beelaha Somaliland ka mid ah, isla markaana uu ku eedeeyey xildhibaannadii dhacdada horteed ka hadlay kiiskii xukuumaddu ku eedaynaysay labadii masuul ee u xidhnaa musuqmaasuqii raashinkii mucaawanada ahaa. Dhawaaqaa Wasiirka kadib waxa kale oo uu abaabulay xubno ka mid ah salaadiinta iyo xildhibaanno beeshiisa, kuwaas oo warbaahinta uga jeediyey beeshii uu farta ugu fiiqay iyo xildhibaannadii hore u hadlay ee ka tirsanaa beesha uu tilmaamay hanjabaado iyo hadallo diif leh oo aarsi ka mid yahay.

Waxa nasiib-darro ah in Wasiirku majara-habaabiyey kiiskii, isla markaana ay hadalladaa ka dhalan gaadhay isku dhac laba beelood oo walaalo ah, taas oo nabadgelyada guud iyo qaranimada Somaliland-ba dhaawac u gaysan lahayd.

Nuxurka Hadalladayadii hore

Golaha Wakiilladu wuxuu wakiil ka yahay shacbiga reer Somaliland, waxaanna waajibaadkiisa ka mid ah inuu xukuumadda ka ilaaliyo wixii xad-gudub ku ah sharciyadda dalka, waxaan tilmaamayaa in hadalladayadii (afar mudane) ay ujeedadoodu ahayd in kiiskaa musuqmaasuqa raashinka aan farogelin xukuumaddeed lagu samayn, iyadoo aannu u xilsaaranahay in aan qof kasta oo Somaliland ka mid ah lagu xad-gudbin xorriyadiisa iyo karaamadiisa toona. Waxaannu xukuumadda u soo jeedinay inay barmaamujkii xisbiga KULMIYE oo ay ku caddayd in aannu dhammaystirno madaxbannaanida garsoorka marka doorashada aannu helno ay xukuumaddu fuliso. Xildhibaannadayada hadlay ee afarta ahi waxaannu dhammaantayo ka tirsanahay xisbiga KULMIYE, xilligaa aannu hadalnayna annagu uur-ku-baale maanaan ahaynoo maanu ogayn in falkani dhacayo ee sidii caadada noo ahaan jirtay, annagu soo maanaan qaadin magac garsoore iyo xaakin toona, maanaan odhan maxkamado ma jiraan, waxa hadalkayaga bartilmaameed u ahaa farogelinta xukuumadda ee garsoorka. Waxaan shacbiga reer Somaliland xasuusinayaa in aannu horeba ula hadli jirnay sidan oo kale iyo si ka sii adagba xukuumaddii Rayaale, gaar ahaan waqtiyadii ay xidhxidhay xubno ay ka mid yihiin;

  1. Dr. Maxamed Cabdi Gabboose
  2. Eng. Maxamed Xaashi
  3. Jamaal Caydiid
  4. Yuusuf Cabdi Gabboobe iyo qaar kale.

Waxa mar kasta xildhibaannada waajib ku ah madaxda ay xukuumaduhu eedaynayaan inay helaan cid u hiilisa. Haddii uu shacbi ama ummaddi ay waydo wakiillo u hadla waxa maamulka xilliga jiraa uu ku dhiiranayaa inuu qaado jidkii Digtaatooriyadda, kaas oo uu shacabka Somaliland waayo-aragnimo u leeyahay. Sidaasi darteed, ma nihin xildhibaanno ahaan kuwii lagu sifayn lahaa dagaal-oogayaal ama af-ku-dhiiglayaal ama argagixisaba.

Waxaan Wasiir Duur leeyahay umaad tudhin qaranimadii Somaliland iyo shacbiga soo daalay ee iminka uun cagaha isku taagay, umaad tudhin xukuumadda aad ka tirsan tahay ee aad masuulka uga tahay nabadgelyada shacbigeeda, umanaad tudhin Madaxweynihii ummaddaa dhan kaa soo dhex xushay ee islahaa ku naso, umanaad tudhin saaxiibadaadii Golaha Wakiillada ee aad xisbigii UDUB uga soo digarogatay ee aydun muddada dheer isu hiilinayseen, umanaad tudhin labada beelood ee walaalaha ah ee ay Aabahaa iyo Hooyadaa ka soo kala jeedaan ee aad colaadda ka dhex shidi gaadhay.

Wasiir waxaan kaa codsanayaa in aad miyirkii isku soo celiso oo aad jidka baadhitaanka uun awoodda saarto, Ilaahay ha kuu fududeeyo,” ayuu ku soo gebogabeeyey qoraalkiisa Md. Siciid Cilmi Rooble.