Suugaan waa eray kulmiyana: hawraar kastoo hannaan, habdhac iyo heenso u gaara leh. Suugaannna asal ahaan waxay ka timaaddaa hadal, hadalkana waxaa loo kala saaraa: Tix iyo Tiraab ama Hawraar iyo Hal abuur.
Maansadu waxay u kala baxdaa qaybo badan, sida: Gabay, Guuroow, Geeraar, Jiifto, Shirib, Masafo, Saar, Buraanbur, Hees, oo dhawr nooca ah, Hees Hawleed, Hees Ciyaareed, Hees Carruureed iyo Heesaha cusub, ee iminka lagu xareediyo. Suugaanta waxaa kale oo ka mid ah Maahmaahda, Murtida, Halxiraalaha iyo Hawraaraha Halqabsiga ah, ee sida joogtada ah loo adeegsado mid walba xilligeeda iyo xuskeeda gaarka ah lagu xusho.
Suugaan wuxuu Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi” Maansadii “Sirta Nolosha” ku fasiray: “Suugaantu Gogol weeye” tuducdan ayaa waxay qeexday suugaani inay tahay gogol, gogolina ay tahay wax aan laga maarmin, haddana aan koobnayn oo fidsan.
Tusaale: Dhulku waa gogol, korkiisa waxa saaranina maaha wax aragti, ogaal iyo aqoonba lagu koobi karo, sidaa awgeed, waxaa inoo caddaanaya in erayga Suugaani la mid yahay Dhulka, oo dhulka waxaa oogadiisa saaran aan maan lagu koobi karin, Murtiyada kala duwan ee Tix iyo Tiraabba leh ama Hadal iyo Hawraarna loo adeegsado, badideedu inay isugu biyo shubanayso dedan iyo daalacanba Suugaan.
Haddii Suugaani sidaa tahay, waa wax aan laga maarmi karin, oo ku salaysan Aadanaha noloshiisa, afkeey doonaan ha ku hadlaane, qoloba si ha u unkatoo ha u lahaato meerisyo ka duwan kuwa qolyaha kale, isaguna imaanaya hadal murtiyeysan, oo dhumuc iyo dhadhan gaar ah leh, ujeedkooda iyo dulucdooduna ha kala duwanaatee waxaa lagu tilmaama afkeena Soomaaliga af suugaan hodan ku ah.
Gabaygu waa Boqorka ama Kuruska baarkiisa ugu sarreeya suugaanta, waxaa bah wadaag la ah Gabayga Guuroowga, labadooduba waxay ka siman yihiin Hojiska iyo Hooriska oo aan tixleyda kale la wadaagin, waxayse ku kala duwan yihiin luuqda iyo dhawaqa, inta badan xeeldheerayaasha suugaantu waxay sheegaan inaysan jirin wax badan oo u dhaxeeya labadooda.
Gabaygu dhisme ahaan miisaankiisa waxaa lagu saleeyaa inta u dhaxaysa 19 ilaa 23 alan, waase lagu kala aragti duwan yahay miisaanka Gabaygee, aan intaa uga kaaftoomo.
Gabaygu wuxuu leeyahay habdhac iyo khaafiyad u gaara, oo uu kaga duwan yahay suugaanta kale, waxaana laga billaaba inta aan la gelin erayadan, oo looga dhigaa gundhaad iyo dhisme:
Hooyala hooyalayeey hoyalayeey hooye, Alla hooye hooyalayeey hoyalayeey hooye aqriste, bal aan kuu tusaaleeyo labadan meeris oo midna yahay gabay midka kalana guuroow yahay.
Aan ku billaabo gabaygee, Abwaan Faarax Shuuriye ayaa ku gabyey:
Haddii dhaado gabay Maxamedow la iga dhowraayay
Ninkii xalayto soo dheelmadaan dhowr hal leeyahaye:
Bal dhallaanka wada booyayiyo araddii baa dhii leh
Waayeel dharaartii qadooy gaajo wada dhuuxday
Marti soo dhowoo naga rabtiyo duco inay dhaafto
Intaas oo dhan baad wada dhacdaye dhimo ha noolaane
Inta Luxud laguu soo dhigdhigo la isku kaa dhaabye
Uunkii kugu dhibtooday kolkuu kala dhaqaaq joogo
Ibliis dhoof maqanaa kuugu yimid dhul iyo hoostiise
Goortaas kula dhaqaaq oo ku gee dhumucii Naareede
Ilaahayna kugu dhugay oo tay iskaga dhaafye
Dhimo oo ha noolaan shay nimaad dhaafisaan ahaye.
Guuroowganna waxaa tiriyey Abwaan Maxamed Gacal Xaayoow waxaa la yidhaahdaa “Farshaxan” waana sidan:
Fa’dii Gabayga waayahan dhawaa wayska faasaxaye
Inkastoo falaadh lay sawiray way iska feer maraye
Fange hoobalkiisii ma noqon faansanaan jiraye
Cidna facalul khayr uma samayn ficilyo qawlkiiye
Intaan faraha ciidda u gashaday faalkii maan dhigine
Firdi iima bixin fooxa waa lagu hagoogtaaye
Falaggiyo xiddigihii ma dhugan Fiidadawyadiiye
Fiintina ma ciyin fooridina layma maqashiine
Anigoo aleeshii firdhiyey sooma faalaline
Meeshay ku sii foorartee foodda loo geliyey
Mar haddaan farshaxankeedi jirin waa fashilantaaye.
Mar haddii aan fakaday waa inaan faallo bixiyaaye
Alla faxana foolxumada waa laga ducaystaaye
Faruuryahu waxay ku hadlayaan waw fac tiriyaaye
Farsamada hiddaha waa inaan fooska ka hadlaaye
Oon farshaxanka Soomaaliyeed wax u faquuqaaye
Hadba waxii filroonbaa indhaha lagu fayiigaahe
Falkan quruxsan dumarkeenu waa farasamayn jiraye
Geed Mayrax laga fiiqo iyo feerashada Cawga
Aqal faraqa weyn iyo aroos fiidkii lagu hooyo
Firaashkiyo wixii gogola ways kaga fillaayeen
Waayihii fogaa iyo haddaan faylka ku raaco
In farshaxanku taariikh u yahay faciyo jiirkiine
Ayniga la fila baan murtidii ii furfuraydaahe.
Mar haddaan farshaxan jirin fandhaal dheri ma yeeshene
Farsmada harguhu hawla badan kuma fillnaateene
Furrun iliindi saarana faqiir kuma xarshaasheene
Falaartaba haddaan geed birlabba fooda loo gelinin
Ninkii fool libaax kala hor tegay guul ma fillayeene
Farku fiiqa faallada xantuna way fajacidaahee
Inay ficilya qawlba xaqirtaan kama fogaataane
Farsamada gacmuhu saw waxaan laga fursahayn maaha
Nimaan firrirna daawaynin baad filley u taagtaane
Maraakiibta sii foorartee firrindigleeynaysa
Diyaaraadka faandoomka iyo filiqa neebaalka
Maan farshaxanka lagu dhiirigelin fillanba maydaane
Hadba qoladii fahamtaa cilmiga wax uga faa’iida
Gabayga oo dhamaystiran halgeeyaha hoose guji si aad u dhegaysato.
http://www.youtube.com/watch?v=tcYVjZ36JIw
Sida dhabta ah waxaa laga lagama maarmaan u ah Maansada Soomaaliyeed in Hal eray ay ku socoto, eraygaas oo ay qasab tahay inuu meeris walba ku jiro, Baydka meesha ay noqoto ha ka galee.
Gabayga, Guuroowga iyo Shiribka maahane inta kale waxaa gelaya meeriskiiba eray qura, halka saddexdan dambe ay tahay in eragu laba kol uu meeriska ku jiro.
La soco qaybaha kale ee qormada.
Cabdiraxiim H. Galayr