Madaxweynaha Somaliland iyo Hoggaamiyihii Kooxda SSC oo Kulan ku yeeshay Dubai iyo waxyaaba ay ka wadahadleen

Dubai-(Berberanews)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Hoggaamiyaha Kooxdii hubaysnayd ee SSC oo Somaliland ka soo horjeedday Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa kulan ku wada yeeshay Qasriga uu Weftiga Madaxweynuhu ka deggan yihiin magaalada Dubai oo ay safar shaqo ku joogaan.

Waxaanay Madaxweyne Siilaanyo iyo Saleebaan-Xagla-toosiye ka wadahadleen sidii nabadgelyo buuxda looga dhalin lahaa deegaannada Buuhoodle iyo qaybo gobolka Sool ka tirsan. Waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), kaasoo uu caawa soo saaray, isla markaana lagu faahfaahiyey nuxurka kulankaas.

Qoraalka warkaasina waxa uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Waxa uu maanta ku qaabiley Qasriga uu degan yahay ee MINA-SALAAMA HOTEL, Hogaamiyaha Kooxdii SSC, Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye).

 Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha SSC waxay ka wada hadleen sidii deegaannada Buuhoodle iyo qaybo ka mida Sool loogu soo dabaali-lahaa nabad-gelyo buuxda oo taam ah.

Madaxweynaha iyo Gudoomiyuhu waxay  istu-seen isla markaana kuwada Qanceen baahida ay shacbiga deegaanadaasi u qabaan in ay walaalahooda dalka ee kale la wadaagaan horumarka dhanwalba leh ee wax-barashada, Caafimaadka, Nabad-gelyada iyo Adeeg-yada kale ee ay noloshu u baahan tahay oo dhan, sida biyaha Iwm.

Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu balan qaaday inuu dhiniciisa soo dhawaynayo dedaalka lagu soo Af-jarayo khilaafka jira oo dhan, wuxuuna hogaamiyaha SSC-da kula dar-daarmay inuu si dhakhso ah uga hawl-galo.

Saleebaan  Ciise  Axmed Kaar (Xaglatoosiye)na waxa uu balan qaaday inuu ka hawl-gelayo sidii khilaafka loo soo Af-jari lahaa, waxaanu sheegay inay reer soomaaliland yihiin dad wada dhashay oo aan sinaba u kala maarmaynin, Dantuna ay ku jirto wax-wada qabsiga iyo wada-jirka.”

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.