Dhimashada Tahriibayaal Dooni kula degtay Zanzibar oo sii kordhaya iyo 80 laga rejo-dhigay

Zanzibar-(Berberanews)- Waxaa sii yaraanaysa rajada ah in lasoo badbaadiyo in ka badan 80 qof oo ilaa immika la la’yahay kadib markii ay dooni ku degtey meel u dhaw jaziirada Zanzibaar ee wadanka Tanzania.

Ugu yaraan 70 qof ayaa la ogyahay inay ku dhinteen musiibadan iyadoo 150 qofna lasoo badbaadiyey.

Doonta MV Skagit ayaa maalintii Arbacadii degtay iyadoo ay saarnaayeen in ka badan laba boqol iyo konton rakaab ah.

Wararka laga helayo Jasiiraddaas, ayaa sheegaya tiro kala duwan oo ku aaddan Rakaabkii saarnaa Doonta, balse illaa iyo immika waxaa laga soo bixiyay biyaha maydadka in ka badan 60 qof iyadoo 150 qofna ay ku guulaysteen inay soo dabbaashaan, sida ay BBC-du baahisay.

Qaar ka mid ah ehelada meydadkii la helay ayaa waxay aqoonsadeen meydadka qaraabadooda. Howlgalo baadi gooba oo loogu gurmanayo dadkii ay doonta la degtay ayaa weli soconaya, hase ahaatee, waxaa dhibaato ku noqatay hawada oo xun.

Madaxweynaha Tanzania Jakaya Kikwete ayaa wuxuu sheegay in uu ka xunyahay musiibada dhacday halkaas. Badda u dhaxeeya Dares Salem iyo Zanzibaar oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa wuxuu caan ku tahey dalxiisayaasha reer Tanzania iyo kuwa ajaanabiga ah.

Bishii September ee sannadkii hore ugu yaraan laba Boqol oo qof ayaa geeriyoodey ka dib markii Doon la buux-dhaafiyey oo sidday 800, oo qof ay ku degtey Jaziradda Zanzibar. Dadka Tahriiba ayaa u badan Soomaaliy iyo Itoobiyaan, kuwaas oo dhibaatooyin badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, xadhig iyo dil kala kulma safarrada ay doonayaan inay ku tagaan dalalka Yurub, waxaanay inta badan dhibaatooyinka noocan ahi kala kulmaan inta ay ku sii jiraan jidadka qaaradda Afrika ee Badda iyo Dhulkaba.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.