Dawladda oo xilka ka qaaday Xoghayihii Dawladda Hoose Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

Hargeysa-(Berberanews)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa xilka ka qaaday Xoghayihii dawladda Hoose ee Degmada Sheekh Cabdikariin Yuusuf Saleebaan.

Ma jiro war rasmiya oo ku saabsan sababta xil-ka-qaadista Xogahaya Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh, haseeyeshee warar xog ogaal ah oo shebekadda Berberanews ka heshay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sheegay in xilkii laga qaaday Xogyaha Cabdikariin Yuusuf Saleebaan, laguna bedelay Xoghayihii hore ee dawladda Hoose Cali Axmed Xaaji-cabdillaahi (Cali-dheere).

Warku waxa uu intaa ku daray in sababta keentay xil-ka-qaadista Xoghayaha Dawladda Hoos ee Degmada Sheekh salka ku hayso xil-gudasho la’aan iyo salluug dhinaca maamulka ah oo ragaadiyay hawlmaalmeedkii shaqo ee loo xil-saaray inuu ka soo baxo, taasina dhalisay habacsanaan shaqo iyo dayac ku yimi hawlihii shaqo ee uu u xil-saarnaa.

 

Xogayaha xilka loo magacaabay Cali Axmed Xaaji-cabdillaahi (Cali-dheere), waxa uu muddo dheer ahaa Xogayaha Dawladda Hoose ee Degmada Sheekh, ka hor intii aan lagu bedelin Xogayaha haatan uu xilka kala wareegi doono oo wax ka yar laba sano xilka hayay.

 

Degmada Sheekh waxay ka mid ah  tahay dgmooyinka ugu waaweyn Gobolka Saaxil, gaar ahaan waxay degmadu caan ku tahay dhinaca dalxiiska oo cimiladeedu qabowga ubadani u sahashay muuqaallo bilic leh iyo Dawga Buurta Sheekh. Sidoo kale waxay Degmada Sheekh caan ku tahay dhinaca Tacliinta.

 

Berberanews.com

info@berberanews.com