Uganda oo markii ugu horreysay Saraakiil Ciidammada Cirka ah u soo dirtay Soomaaliya

Muqdisho-(Berberanews)- Dowladda Uganda, ayaa daboolka ka qaadday inay markii ugu horreysay Soomaaliya u soo dirtay Saraakiil Ciidammada Cirka ah, kuwaas oo ka qayb-qaadan doona adkaynta iyo ilaalinta ammaanka Caasimadda Muqdisho oo lagu wado inay maalmaha soo socda ka qabsoomaan doorashooyinka Baarlamanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya yeelan doonto 21-ka bishan ka dib.

Ciidamadan ayaa waxay ku shaqeyn doonaan diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika, si ay dusha sare uga ilaaliyaan goobta ay ka dhacayso doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhici doonta Muqdisho bishan 20-keeda.

Taliyaha ciidamada Uganda ee UPDF-ta loo yaqaan, Jen. Aronda Nyakairima iyo taliyaha ciidamada cirka dalka Uganda, Jen. Jim Owesigire oo la hadlayay ciidamadan ka hor intii aysan kasoo dhoofin Kampala ayaa kula taliyay inay howshooda u gutaan sidii loogu talogalay.

“Howsha ciidamadan waa inay xoojiyaan howlaha kala duwan ee AMISOM ay gudaha Soomaaliya kawaddo,” ayuu yiri Jen. Nyakairima oo intaas ku daray inuu rajo wanaagsan ka qabo inay howshooda u gudan doonaan si daacadnimo ay ku jirto.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Uganda wuxuu sheegay inay sharaf weyn u tahay dalka Uganda inay gacan ka geysato sidii uga caawin lahayd dowladda Soomaaliya sugidda ammaanka inta doorashooyinku ay socdaan.

Ugu dambeyn, Jen. Aronda wuxuu sheegay in sidoo kale saraakiishan ay xoojin doonaan ciidamada AMISOM oo qaybtooda ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda kuwaasoo aan horay u lahayn ciidammo ka taageera howlgalkooda dhinaca cirka.

Waa markii ugu horreysay ee Uganda Saraakiil dhinaca ciidammada Cirka ah u soo dirto dalka Soomaaliya oo ay ka joogaan Ciidammo badan oo kuwa AMISOM ee dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya taageera ka tirsan.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.