“Safarkayagan aannu Itoobiya ku tagayaa wuxu daarran yahay oo aannu ku soconnaa…” Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa-(Berberanews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa saaka u kicitimay dalka Itoobiya, halkaasi oo ay Axadda bari kaga qeyb geli doonaan aaska Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, oo laba todobaad ka hor geeriyooday.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weftigiisa xubno ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Madaxtooyadda Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), waxa marti-qaad rasmi ah ka heleen dawlada Itoobiya.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa oo ka dhoofay madaarka Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay magaalada Adis-ababa kaga qeyb galayaan aas balaadhan oo loo samaynayo Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Males Zanawi, kaasi oo lagu soo marti-qaaday.

“Safarkaygan aan Itoobiya ku tagayaa wuxu daarran yahay oo aannu ku soconnaa aaska loo samaynayo Ra’iisal wasaarihii geeriyooday ee dalka Itoobiya. Itoobiya-na waa dal aynu jaar nahay, waa dal aynu saaxiib nahay, walaalo nahay, aad isugu fognahay. Ra’iisal wasaarihii geeriyooday Meles waxa uu ahaa nin muhiimad weyn u leh geeska Afrika Somaliland ahaanna xidhiidh fiican oo dhawi innaga dhexeeyey, waxaana halkaa isugu imanaya wufuud badan oo caalami ah oo dabcan aannu qayb ka noqon doonno aniga iyo Weftigaygu.” Sidaa ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Madaxweynaha waxa madaarka ku sii sagootiyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno ka mid ah goleyaasha qaranka.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta kormeer ku soo maray madaarka Cigaal International Hargeysa oo uu dhabihiisa (Run-way)-giisa ka socoto dib u balaadhin ay ka waddo shirkadii gacanta ku haysa ee Chinese-ka ahi.

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.