Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midawga Afrika oo ka hadlay Isbeddelka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka curtay

Hargeysa-(Berberanew)- Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Afrika, ayaa soo dhaweeyay doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa talaabbo hore loo qaaday, guul wax ku oolana u noqonaysa dalka Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay howlo badan oo lasoo qabtay si Soomaaliya ay uga gudbtoxilliga KMG ah.

“Maanta dadka Soomaaliyeed waxay cagta saareen jidka nabadda iyo barwaaqada. xildhibaanada Soomaaliyeed waxay si degan oo sharaf iyo u fiirsi leh u dhameeyeen xilligii ku-meel-gaarka, waxayna si buuxda u doorteen Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu waxay ahayd mid Soomaalidu leedahay una wada dhan tahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu waxay ahayd mid ku dhacday si nabadeed oo dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kale.” ayuu yidhi Mahiga.

Waxa uu Mahiga oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaan soo marnay jid dheer oo aad u dhib badan si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Muddo hadda laga joogo hal sano iyo xoogaa ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay dowladda KMG Soomaaliya ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa waxaa la gaaray horumar aad u ballaaran.”

Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afirka ee arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa waxa uu isna yidhi “Doorashadan waa mid muhiimado badan leh. Waxaan rumeysanahay inay tahay mid ku timid kaalin mug leh oo ay ciyaareen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda taasoo lagu xaqiijinayo horumarka dalka. Doorashadan ma ahan oo keliya in lagu doortay madaxweyne balse waa mid caddeyn u ah in dalka uu ka baxay xilligii KMG ahaa”

Sidoo kale, Wamunyinyi waxa uu sheegay in beesha caalamka uu ka dalbanayo inay sii joogteeyaan taageeradii ay Soomaaliya siin jireen, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ciidan ee Soomaaliya ay u joogto.

”Shaki kama qabo in madaxweynaha la doortay uu xoogga saari doono dib u dhiska iyo xoojinta hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo kaabayaasha bulshada, AMISOM diyaar ayay u tahay inay arrimahaas oo dhan ka caasiwo,”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mid u dhacday si dimuqraadiyad leh oo soo afjartay xilligii meel ku gaarka ahaa, waxaana mid caddeynaysa in dalka uu ku taallabsaday horumar weyn.

”Madaxweynaha cusub waxaa saaran mas’uuliyad weyn. Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay kasoo baxaan mas’uuliyadda saaran. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha baarlamaanka oo dhan inay si dhow iskula shaqeeyaan, ayna xoojiyaan nabadda iyo deggenaashaha dalka si ay dadweynaha Soomaaliyeed u helaan nolol wanaagsan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Geesta kale, dhawaaqyada xalay ka soo yeedhay Hogaamiyayaasha wadamada Carabta ayaa lagu bogaadiyay madaxweynaha cusub ee somaliya Xasan Sh. Maxamuud.

 Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.