Fannaankii, Macallinkii caanka ahaa Faysal Cumar Mushteeg oo Hargeysa ku geeriyooday

Hargeysa-(Berberanews)- Allaah ha u naxariistee waxa xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa Macallin, Abwaan, Fanaan Feysal Cumar Mushteeg oo ka mid ahaa Fanaaniinta Soomaalida kuwa ugu Caansan ee Bud-dhigga u ahaa Fanka Somaaliyeed.

Marxuum Feysal Cumar Mushteeg waxa uiu ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo uu in muddo ah Bukaan ahaan u jiifay, waxaana saaka u yimi Mawdkii isla markaana waxa lagu jiraa qaban qaabada Aaskiisa oo salaada Jimce kadib ka dhici doonta Xabaalaha Xeedho.

Feysal Cumar Mushteeg Alla ha u Naxariistee waxa uu ahaa Macallin Hibo Ilaahay u raaciyay Fanka, waxaanu lahaa Taariikh badan oo Bulshada Somaliyeed aad uga dheregsan tahay, isagoo Caan kuah Heesaha, masraxiyadda iyo Hal abuurnimaduba.

Taariikhda Marxuumka wixii aanu ka gaadhi karno waxa aanu idiinku soo gudbindoionaa Barnaamijyo, balse saaka waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Tacsi ay dadweyne kala duwani na soo gaadhsiiyeen iyagoo Ilaahay augabaryaya inuu Naxariistiisa waasaca ah siiyo Marxuumka.

Inaa Lilaahi wa ianaa Illayhi Raajicun

Berberanews.com

Hargeysa/Somaliland.