Nafaqaynta Hooyada iyo carruurta Somaliland oo markii ugu horreysay lagu dhiirigeliyey cunista kalluunka


Hargeysa (Berberanews)- Guddiga bahwadaagta kobcinta dhaqaalaha dalka Somaliland, ayaa shalay isugu yimi kulankoodii labaad oo ay ku falanqeeyeen kor u qaadida dhaqaalaha dalka iyo dariiqyada ugu wanaagsan ee loo mari karo.

Guddigan bahwadaagta kobcinta dhaqaalaha oo qayb ka ah qorshaha horumarinta shanta sanno ee Somaliland, isla markaana ay xubno ka yihiin dhammaan hay’adaha dawladda ee ku shaqada leh wax-soo-saarka dhaqaale ee kala ah Wasaaradaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Warshadaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Qorshaynta, Baanka iyo Rugta Ganacsiga oo ay weheliyaan hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalami ah iyo weliba ururrada wadaniga ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha, ayaa kulankoodu ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.

Shirka guddiga oo labadii biloodba mar la qabto, isla markaana uu hagayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo isagu guddoomiye u ah, waxa ka qaybgalay Agaasimayaasha, Wasaaradaha Qorshaynta, Xannaanada Xoolaha, Beeraha, Baanka, Warshadaha iyo saraakiil sare oo ka kala socotay hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa caalamiga ah iyo ururrada wadaniga ee xubnaha ka ah, ayaa muddadii uu socday doodo iyo falaqayn ay ka yeesheen shaqadooda kadib waxay isku raaceen inay isu qaybiyaan afar guddi hoosaad oo mid waliba ka shaqayso dhinac ka mid ah dhaqaale kobcinta.

Afarta guddi hoosaad ee bahwayntu isku qaybisay oo ku kala jihaysan; khayraadka dabiiciga ah, warshadaha, adeegyada ganacisga iyo dejinta siyaasadda dhaqaalaha, kuwaas oo ay kala hoggaaminayaan hay’adaha dawladdu waxay mid waliba soo diyaarin doonaa barmaamujkiisa shaqo eek u wajahan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Geesta kale, shir kale oo isla shalay lagu qabtay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda oo lagaga hadlayey nafaqada hooyada iyo ilmaha, ayaa markii ugu horreysay lagu dhiirigeliyey inay cunaan kalluunka oo ka mid ah khayraadka Somaliland caanka ku tahay.

Shirkaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Caafimaadka, Kalluumaysiga, hay’adda UNICEF iyo hay’ad wadani ah oo la yidhaa ANPICAN oo ujeedadiisu la xidhiidhay kor u qaadida nafaqada hooyada iyo carruurta, waxa si gaar ah lagaga baaqay in cuntooyinka nafaqada leh ee loo baahan yahay inay cunaan uu ka mid yahay kalluunku, taas oo ahayd sababta kulanka loogu qabtay Wasaaradda Kalluumaysiga.

Masuuliyiin ka kala socotay hay’adahaasi oo madasha ka hadlay waxay dhammaantood isku raaceen in waxa ugu horreeya, uguna muhiimsan ee ilmaha yari ka helayo nafaqada uu yahay naaska hooyada, isla markaana ay soo raacayaan cuntooyinka faytamiinada kala duwani ku jiraan oo uu ka mid yahay kalluunku, loona baahan yahay in cunistiisa oo aan dadkeena ku badnayn lagu dhiirigeliyo.

Gebogabadii shirkaasi oo uu soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Maxmaed Cilmi Aadan (Ilkacase), waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan soo dhaweynayaan kulamada noocan ah ee ku saabsan nafaqada carruurta iyo hooyada oo uu muhiim u yahay kalluunku, gaar ahaan in hooyadu isticmaasho kalluunka iyo khayraadka kale ee badda ku jira oo u horseedaya inay hesho nafaqo aad uu balladhaan oo ay u gudbiso ilmaha yar. Waxa kale oo uu guud ahaan bulshada ku booriyey inay isticmaalaan khayraadka badda oo faa’iidooyin kala duwan leh.

Berberanews.com

info@berberanews.com,. editor@berberanews.com