Xiisadda U Dhaxaysa Syria iyo Turkiga Oo Cirka Isku shareertay iyo weeraro dhexmaray Labada Dhinac

Bariga dhexe-(Berberanews)-Xiisadda u dhaxaysa dalka Syriya iyo Turkiga, ayaa cirka isku shareertay ka dib markii ciidammada Dawladda Syria madaafiic ku rideen magaalada Guvecci ee gobolka Hatay ee dalka Turkiga, taasoo keentay in ciidammada Turkigu weeraro rogaalcelis ah ku qaadaan.

xad-gudubyada Ciidammada Syria waxay soo shaacbaxeen arbacadii toodbaadkii hore ka dib markii Shan qof lagu dilay magaalada Akcakale Arbacadii, taasoo keentay cambaarayn ka timid caalamka iyo in dowlada Turkey ay waydiisato Baarlamaanka in ciidamada Turkey ay galaan Syria hadii loo baahdo.

Dawladda Turkigu waxay heegan sare gelisay ciidammada ku sugan xadka ay wadaagaan Syira oo ay sheegtay in ciidammada Syria weeraro gardaro iyo madaafiic la beegsadeen magaalooyin ku yaal gudaha Turkiga, taasoo laga cabsi qabo weerar fool-ka-fool ah oo dhexmara labada dal, iyadoo wadanka Syria ay ka socdaan kacdoono ka dhan ah xukuumadda Asad.