Hay’adda Ilaalinta Tayada oo awood u weyday inay hubiso shiidaal tayadiisu xuntahay oo khasaare ballaadhan gaadhsiiyay Bulshada

Berbera-(Berberanews)-Hay’adda Ilaalinta Tayada Somaliland, ayaa ku guuldaraysatay shaqadii qaranku u igmaday, ka dib markii ay awoodi weyday inay bulshada Somaliland ka badbaadiso khasaare culus oo ka soo gaadhay shiidaal tayadiisu xuntahay oo shirkadaha ganasigu dalka soo geliyeen.

Hay’adda Ilaalinta Tayada oo shaqadeedu tahay inay bulshada ka hubiso waxyeelada ay xambaarsanyihiin agabka kala duwan ee dalka soo gala, oo dhaawac weyn u geysan karta dhaqaalaha iyo noloshada Mujtamaca, ayaa gebi ahaanba dayacday shaqadeedii, iyadoo  guul-daradeeda dahsioonayd ay soo if-baxday maanta ka dib markii Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista  Siciid Saleebaan Mirre soo saaray war-saxaafeed uu ku qirayo inuu dalka soo galay shiidaal tayadiisu xuntahay oo khasaare u geystay mashiinno badan, taasoo daaha ka rogtay inay hay’addu ku fashilantay shaqadii ay qaranka u haysay.

War-saxaafeed ka soo baxay Guddoomiyaha  Hay’adda magac-u-yaalka ah ee Tayada Siciid Saleebaan Mirre, ayaa shirkadaha shiidaalka ugu baaqay inaanay dalka keenin shiidaal aan wadan aqoonsi caalamiya oo lagu hubiyay, taasoo markhaati cad u noqotay inay Hay’addu tahli weyday ogaanshaha shiidaalka iyo agabka kala duwan ee dalka soo gala oo aanay warba u haynini, bulshaduna qarka u saarantahay khatar dahsoon oo caafimaad darro iyo dhaqaale burbur hor leh u horseeda, waxaannu u dhignaa war-saxaafadeedkaasi sidan;“Aniga oo tixraacaya warqada sumadeedu tahay (Ref: SQCC/XG/0335/12) ee ku taariikhaysnayd 29/02/2012 ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha hay’adda tayo dhawrka agabka (Quality Cantrol Commision) waxaan mar labaad ogaysiinayaa dhamaan shirkadaha soo dejiya shidaalka dalka yimaada in aanay dalka keeni Karin haba yaraatee shidaal aan wadan warqad tayo wanaag ah (Certificate of quality) oo ay ku caddahay tafaasiisha lifaaqa halkan ku lifaaqan. Waxa dalka la soo darsay dhibaato dhaqaale bur bur oo keenay shidaalada aan tayada wanaagsanayd shidaalkaasi oo oo u gaystay bulshada Somaliland khasaare laxaadleh , iyada oo dhibta khasaarahaasi laga soo sheegayo dhamaan gobolada Dalka iyo warshadleyda dalka.

Waxa dhaawac balaadhani soo gaadhay mishiinada laydhka ee shirkada laydhka dalka oo qaar badan oo ka mid ah dhibkaasi u gaystay cilado joojiyey shaqadii, waxa kale oo uu u gaystay khasaare balaadhan gaadiidlayda oo meel kasta oo ay fadhiistaan gaadiidka xamuulku iyo guud ahaan bulshada Somaliland oo uu shidaalkaasi soo gaadhsiiyey khasaare balaadhan.

Sidaa aawadeed aniga oo tixraacaya warqada hore ee soo baxday 29/02/2012 oo ay ahayd go’aan ay ka wada midaysnaayeen wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyada Maxamed Xaashi, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq khaliif iyo guddoomiyaha Hay’adda SQCC ka dib markii aanu yaqiinsanay dhibta uu dalka soo gaadhsiiyey shidaalkaasi, waxaan ogaysiinayaa mar labaad dhamaan shirkadaha dalka keena shidaalka inaanay dalka keeni Karin haba yaraatee shidaal aan wadan warqada tayo wanaaga (Certificate of Quality).”

 

 

Berberanews.com

info@berberanews.com