Iyamaa Gar Leh? :Dacwadda Komishanka iyo Difaaca masuuliyiinta dawladda

Hargeysa-(DAWAN/Berberanews)- Guddida Illaalinta Anshaxa iyo hamsami u socodka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka ayaa soo saaray qoraal ay ku shaaciyeen magacyada masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo hore looga digay inay ka qayb qaataan Ololaha Ururrada Siyaasaddu ku hirdamayaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ku xad-gudbeen go’aamo shaqaalaha dawladda lagaga mamnuucay inay ka qaybagalaan ololaha iyo isu soo baxyada ururrada siyaasadda.

Guddida Illaalinta Anshaxa Doorashooyinka Deegaanka ayaa qoraalkan u gudbiyay Komishan Doorashooyinka, waxaanay qoraalkaas Guddidu ku sheegeen in masuuliyiin iyo shaqaale dawladdeed ay si toos ah ugu milmeen ololeyaasha doorashada, isla markaana Komishan Doorashooyinka ayaa habeen hore u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) qoraal ay kaga dalbadeen inuu tallaabo sharci ah ka qaado xubnahaas lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen sharciyaddaha doorashooyinka ee ku wajahan masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawladda.

Sidoo kale, masuul ka tirsan xubnaha lagu xusay qoraalka Guddida Illaalinta Anshaxa Doorashooyinku ay soo saareen, isla markaana ay Komishanku u gudbiyeen Madaxweynaha ayaa isaguna shir jaraa’id oo uu shalay qabtay ayaa ku dooday inaanu jirin sharci ka mamnuucaya inuu u ololeeyo Xisbi ama Urur Siyaasaddeed.

Cabdikariim Yuusuf Xinif oo ah Agaasimaha Maamulka Komishan AIDS-ka ayaa sheegay inaanu qabanayn xeerarka ay cuskadeen Guddida Anshaxa iyo Komisha Doorashooyinku isla markaana aanu cidna u dabo-fadhiisanaynin inuu u ololeeyo xisbiga KULMIYE oo uu tilmaamay inuu ka mid ahaa aasaaseyaashiisa.

Eedaha Gudida Anshaxa

Qoraalka ay soo saareen Guddida Illaalinta Anshaxa Doorashooyinku habeen hore ayaa u qornaa sidan: “Guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka habsami u socodka doorashada isaga oo guddanaya waajibaadka uu u xilsaaran yahay waxa uu isha ku hayey uu sii dhow ula socday anshaxa iyo habsami u socodka doorashada golayaasha deegaanka oo haatan toban maalmood socday.

Guddidu waxay mar walba xil gudashadeeda u cuskanaysaa kuna hagaysaa dhinacyada tartanka ku lug leh ku dhaqanka xeerka hab-dhaqanka xisbiyadda/ururada siyaasada ee doorashada golayaasha deegaanka (Cord of condect for Polatical parties or Association), kaasi oo ay si wada jir ah ugu heshiiyeen, una saxeexeen dhammaan xisbiyadda/ururada siyaasada doorashada u taagan, mudada ololaha doorashadu socday waxa xubnaha guddigani ee ku kalal sugan xarunta iyo goboladu u kuu galayeen hab-sami u socodka lololaha, sidoo kale waxa soo gaadhayey cabashooyin ka imanayey dhinacyo kala duwan, cabashooyinkaasi oo hubinaynay sida ay wax uga jiraan.

Sidaa awgeed waxay guddida halkan ku soo bandhigayaan dhacdooyinkii ugu waaweynaa iyo xad-gudubyadii sharci ee mudadaasi dhacay, kuwaasi oo si aan mugdi lahayn ugu gabood-falayey anshaxa guud iyoi hab-dhaqanka doorashada eek u qeexan xeerka doorashooyinka (xeer Lr.20-2.2005), xeerka hab-dhaqanka xisbiyadda/ururada siyaasada iyo wareegtadii Madaxwaynaha JSL ku ayiday hab-sami u socodka doorashada, waxayna kala sidan.

1. Waxa Warbaahinta laga wada daawaday Guddoomiyayaasha Gobolada Selel, Awdal, Gabiley, Hawd, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag oo si qaawan uga dhex muuqda ololaha doorashada, iyaggoo ka hadlaya fagaarayaasha isla markaana gaadiid iyo hantidii umadda ka dhaxaysay u addeegsanaya olollaha.

2. Waxa saxaafada lagu soo daabacay hadalo uu ku tiraabay Guddoomiyaha Saaxil oo uu ku sheegayo inaanu cidna uga gabanayn u ololaynta xisbigiisa, taasi oo macnaheedu noqonayo inaanu u hogaansamayn sharciga dalka u dejisan ee ahayd inuu isagu noqdo kan ugu horeeya ee ilaaliya.

3. iyadda oo aanu sharcigu diidayn guddoomiyaha degmada (Mayor) ee sharaxani uu shakhsi ahaan uga qayb-qaato ololaha doorashada, haddana waxa marag ma doon ah in Maayarada degmooyinka Saylac, Boorama, Baligubadle, Salaxlay, Caynaba iyo Ceerigaabo ay gaadiidka umadda ee ay wataan ay u isticmaaleen u ololayn xisbi/urur.

4. Waxa warbaahintu soo tabisay masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo si badheedh ah ugu milmay, una ambo-baxay ololaha doorashada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin: Maareeyaha hay’adda Waddooyinka (SRA) iyo agaasimaha maamulka hay’adda la dagaalanka Aids-ka (Solnac).

5. waxa tiraba dhowr jeer degmooyinka qaarkood ka dhacay xayiraado iyo xadhig lagula kacay xubno musharixiin ah, inkasta oo oo wada-hadal debadeed xoriyadoodii la soo celiyay.

6. si loo majaro habaabiyo bulshada, waxa mid ka mid ah jidadka Magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay boodh aad u weyn oo lagu daabacay sawirada iyo Lambarada 25 Musharax oo ka tartamaya degmada Hargeysa, kana kooban dhammaan xisbiyadda/ururada siyaasada ee tartamaya haba kala badnaadaane.

7. Waxa ka dhacday musharax aan ka mid ahayn musharixiinta u tartamaya golaha deegaanka degmada Hargeysa uu xarun olole ka furtay Hargeysa, taasi oo abuurtay iska horkeen taageerayaal iyo amni daro.

Haddaba guddida ilaalinta anshaxa iyo hab-dhaqanka doorashadu waxay si adag u farayaan Guddoomiyayaasha gobolada Salal, Gabiley, Awdal, Hawd, Saaxil, Oodweyne, Saraar, Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale Maareeyaha hay’adda waddooyinka iyo agaasimaha maamulka hay’adda Aids-ka inay ka waantoobaan ka qayb-galka iyo ku milmida ololaha doorashada kuna ekaadaan masuuliyadaha ay qaranka u hayaan, iyagga oo si dhex-dhexaadnimo ah u gudanaya, maayaradda Magaalooyinka Boorama, Gabiley, Baligubadle, Salaxlay, Burco, Caynaba iyo Ceerigaabo looga digayaa isticmaalka hantida iyo gaadiidka umadda xiliyadda ololaha lagu guddo jira.

Hogaamiyayaasha xisbiyadda/ururada siyaasada, musharixiinta iyo taageerayaashooda waa inay dhowraan anshaxa, nabadgalyada guud iyo nidaamka, kana dheeraadaan wax abuuri kara sawaxan iyo iska hor imaad, nabadgalyo daro iyo anshax xumo.

Hay’addaha amniga waxa ka reebban inay xayiraan ama xidhaan musharax, iyagga oo aan wadan waaran maxkamadeed ama aanu gacmaha kula jirin dambi culus oo ciqaabtiisu gaadhayso saddex sanadood oo xadhiga ah.

Shirkadaha iyo xayeysiiyada waxa looga digayaa inay daabacaan iyo inay soo bandhigaan muuqaalo ama qoraalo shaki iyo muran galin kara hab-sami u socodka doorashada.

Cidii ka dhaga-adeygta fulinta arimaha aan soo xusnay iyo guud ahaan shuruucda doorashada darajo kasta ha lahaadee waxa loo aqoonsanayaa qof carqaladaynaya hanaan socodka doorashada, kuna gabood-falay sharciga dalka, sidaa darted waxa laga qaadi doonaan tallaabo sharci oo ku haboon.”

Dabuubta Komishanka Doorashooyinka

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Maxamed ( Xamari) qoraal uu Madaxweynaha u diray, kaga codsaday inuu tallaabo ka qaado masuuliyiinta Gudida anshaxu ku eedeeyeen inay ku milmeen ololaha doorashadda, waxaanay warqadaasi u dhignayd

“Mudane Madaxweyne, Waxa xushmad iyo maamuus noo ah inaanu halkan kuugu soo gudbino warbixin tafatiran oo ay komishanka doorahooyinka qaranka u soo gudbiyeen Gudida dabo-galka iyo habsami u socodka doorashooyinka.
Warbixintaasi oo sideeda isku fasiraysa waxa ay ka marag kacaysaa sida qaawan ee qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladdu ugu xad-gudbeen xeerka hab-dhaqanka xisiyadda/Ururadda siyaasadda iyo wareeegtooyinkii uu Madaxweynuhu soo saaray ee mamnuucayay adeegsiga qalabka iyo hantida dawladda iyo in masuuliyiinta dawladdu ay ku milmaan xisbiyadda.Ururadda siyaasadda.

Sidaasi darteed, waxaanu Mudane Madaxweyne, si xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad tallaabadda ku haboon ka qaadid.”
Haddaba Masuulkan sida degdega ah uga jawaabay go’aamadda iyo qoraalladan ay soo saareen Guddiyada u xilsaaran Doorashooyinka qaranka ayaa ku doodday inaanu xeerka shaqaalaha dawladdu qabanayn, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii. ““Xeerka shaqaalaha dawladdu anniga oo kale ima qabanayo. Waxaan ahay aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE cidna uma dabo-fadhiisanayo inaan u ololeeyo xisbigayga KULMIYE.”
Gabo-gabo

Waxa doodi ka taagan tahay oo u baahan in la kala caddeeyo shaqaalaha dawlada ee aan loo ogolayn inay ka qeyb qaataan siyaasaddu waa ayo, waxaanay arrintani noqonaysaa mawduuc khilaaf ka dhex abuuri kara Komishanka iyo siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ee madaxda ka ah laamaha dawladda, Waxaanay dadweynuhu indhaha ku hayaan halka ay arrintaasi ku dambayso.

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN